Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay inay Lixdan Malyuun oo Euro ugu deeqayso dawladda Cusub ee ka dhalatay Suudaan,

Dawladda Faransiiska ayaa Lixdan Malyuun oo Euro ah ugu deeqayso dawladda Cusub ee ka dhalatay Suudaan, si ay uga shaqeeyo Horumarinta Dimuqraadiyadda.

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo Magaalada Khartoum kulan kula yeeshay dhiggiisa Suudaan, Asmaa Abdallah.

Wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen Isniintii ayaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Faransiisku markii uu dhammaaday wuxuu sheegay inay Dawlad ahaan go’aansadeen inay Suudaan ugu deeqaan lacag gaadhaysa 60 Million oo Euro.

Lacagta deeqda ah oo 15 Million oo ka mid ah bixinteeda la soo dedejinayo waxa loogu talo-galay in lagu horumariyo dimuqraadiyadda Suudaan, muddada ay xukunka sida wada-jir ah u hayaan Dawladda isugu jirta Milletariga iyo Rayidka.

haqeeyo Horumarinta Dimuqraadiyadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker