Dad Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay waaberigii hore ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Shilkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Carbiska ee ku yaalla duleedka Muqdisho,isla markaana waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Xamuulka qaada  iyo mid yar oo kamid ah kuwa raaxada ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga Xamuulka uu ku dul-dhacay gaariga yar,kaasi oo marayay wadada,waxaana xiligaas gaariga saarnaa dad shacab ah,waxaana halkaas ku geeriyooday 8 ruux oo kamid ah  dadkii saarnaa lada gaari.

Sidoo kale shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo la socday gaariga weyn,waxaana goobta uu shilka ka dhacay gaaray dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii halkaas wax ku noqday,iyadoo dhaawacyada loo qaaday goobaha Caafimaadka.

 

Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay Shilal kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker