Ururka Alshabaab oo Muddo dhawr Cisho Gudohood ah Laba Weerar oo Qasaare Gaystay ku Qaaday Ciidamada Amisom

Beledweyne (OWN) – Faah-faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax maanta kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti lagula eegtay inta u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Qarax oo ahaa mid xoogan, islamarkaana ahaa Miino ayaa waxa uu haleelay mid ka mida baabuurta dagaalka ee ay wateen Ciidankaasi.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Dhinaca kale war ka soo baxay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ay ku dishay illaa shan ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in meydadka iyo dhaawacyada askartaasi lagu soo qaaday diyaarad nooca Helicopter-ka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

llaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ciidanka huwanta, iyadoo Sabtidii qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ay ku dishay 12 ka tirsanaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker