Salaada iyo adaanka bidcadu kujirto qore khadar ibrahim

Waxaan salaamaya dhamaan bahda saxaafada …

Waxaan jeclaaday in aan soo baan dhigo dhowr arimood bidco Ku tahay diinteena suubaan.. Dad fara badan baa Ku cilciliya xadiiska wax walbo bidca ah waa dalaala lkn ma oga in bidcooyin cibaadada ay Ku jiraan raadkeeduna oo taariikhda kujirto iyo qawlka imaamyada,,Dadka yaqaana diinta waaxa u haboon in ay baadhiis Ku sameeyaan :

Adaanka Shanta salaadood waa naaqus mana ah adaankii wakhtigii rasulka scw, erega xayaa cala khayrel camal baa adaanka kujiray wakhtigii nabiga scw, lkn wakhtigi cumar oo aha khalifka Ayuu kasaaray ,wuxu soo galiyay meesheeda alsalaatu khayrun Mina nuum suubaxa waana bidcad.wuxuna yidhi dadku waxay moodeyaan in salaad ay  jihaadka dhaanto fadli ahaan sas darteed uga saara erega xaya cala khayrel camal…

2. Waagi rasuulka scw nabigu iyo asxaabtiisaba salaada Marka ay galaan gacmaha way sidayn jiren ,arintan raadkeedu wuxuu yahay wakhtigi cumar baa la furay dhulka iraan ,maxabiistooda aya gacmahooda xidhay ixtiraam awgeed u taagna cumar hortiisa kadib cumar baa weedeyay maxay tahay sida u taagan tihiin!

waxay yidhaahdayn marka salaada galno ayaanu gacmaha ta midig bidixda saarna oo salaada ku xidhna.markaas bu yidhi: waryaadha qaabkas Ku dara salaada,in u shay qurux badan yahay oo u muuqatay cumar lkn dhowr saxaabi waaweyn iyo taabici baa si watay qaabkii bore ee salaada nabiga u tukan jiray,waxaana ka mid aha raga salaadooda gacmaha sidayn jiray:

1- Cali bin abu daalib.
2-umama bin sahal bin xaniif
3- cabdulaah bin cumar
4- cabdulaah bin zubayr
5-saciid bin musayab
6- ibn siriin
7- alayth bin sacad
Waa inta ay taariikhu xustay un..

Qaabka gachmaha xidhushada waa sida salaada yahuud iyo majooska ,rasuulkuna wuxu yidhi yahuuda iyo gaalada ha Ku dayenena..

Saas darteed imaam maalik wuxu yidhi reer madiina way sideyaan gacmahooda marka ay salaada galaan,, waxa Ku muuqata in dad badan qaatayn amarkii cumar dad kale na ay diidayn. Sida darteed anigu waxaan u arka in sidaynta gacmaha ay tahay ta saxda ah.

Islaamka maanta waa 7 madhab  4 baa siidaaya gacmaha waa maalikii iyo ibaadhiyada cumaan iyo zaydii iyo imaamiga shiicada.

 

Qore khadar Ibrahim
Khadar33@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker