“Reer Maakhiroow 3 qodob mid yeela? Iska aamusa, Waxqabta, ama annaguna ragg ayaan nahoo waanu tashan doonaa, ama ISAAQ aanu u dhiibno dalka ama aanu iskaga tagno sidiina” Taliye Ciidankii u Goostay Puntland

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/G Nuux Ismaaciil Taani ayaa markhaati cad loogu furay hadalkii uu ka sheegay ciidamo & saraakiil  ka tirsanaan jiray Ciidanka  Qaranka ee u goostay Maamul-goboleedka Puntland oo caddeeyey markaanu Somaliland joognay waxaan aaminsanayn inaan farsamo aanu kula noolnahay dalka (Maakhir) ku difaacaynay, hadii Warsengali is-booxbooxay, waxaan u bilownay inaan isugu soo afgambino Somaliland oo barnaamijkii ka soo wareegno.

Sida lagu baahiyey Africa Telegram TV, Taliye Nuux Taani oo markii ciidankii u dambeeyey u wareegeen maamulka Puntland ka hadlay ayaa bulshada Somaliland u sheegay inay kala tageen hagardaamadii ay ku hayeen Ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi,

“Ciidamada goosanaya, waxa muhiim ah in la isweydiiyo, waxay yihiin? Waxaan doonayaan dadka inaan ka dhaadhiciyo waxa ay yihiin!. Waxa goboladaa ka qaramaysan ciidamo badan oo qaarkood muddo 25 sannadood ayey qaramaysnaayeen, oo deegaankooda uun fadhiyey, wax shaqo ah oo Qaranka ay u qabteena aanay jirin, hawlgal ma fuliyaan, meeshooda waxba kuma qabtaan, haddana mushahar ayaanu siinaynay, annagoo eegaynay waxyaalo badan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/G Nuux Taani oo tafaasiil dheeraad ah ka bixinayey hagardaamada ciidamada u wareegay Puntland ku hayeen Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay heshiis hoose ka dhexeeyey maamulka Puntland, waxaanu yidhi,

“Waxaanu ku amarnay inay magaalada Badhan oo deegaankooda ah tagaan, waxay noo sheegeen in iyaga iyo kuwa Puntland heshiis ka dhexeeyo inaanay is-weerarin, balse qoladii Puntland ay kaga baxday, sidaa awgeed iyaguna aanay weerari Karin, kana tegayaan Ciidanka qaranka Somaliland.”

Hadalka Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil Taani oo dadka qaarkii iyo siyaasiyiin sifo kale oo ay dhaliil uga dhigayaan u adeegsadeen ayey ka markhaati fureen kuwii uu khiyaamada Somaliland iyo Ciidamada Qaranka ku eedeeyey.

Cod sir ah oo warbaahintu heshay ayaa shaaca ka qaaday hadalo taliyahii hore Guutada 93aad ku sheegay qorshahooda ku aadan  ku biirista Puntland iyo siday ula dhaqmi jireen Ciidamada Qaranka, waxaanu yidhi,

“Waxaan halkan ka salaamayaa Mudaneyaal & Marwooyin & dhamaan Qurba-joogta, waxaan ahay Taliye Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), waxaan filayaa in dadku baddi magacaa iska haystaan, intaan Somaliland ka soo wareegnay ayaa la wada bartay, markii hore in taqaanay way jirtaa, hadaanay aqoona, haddaan u sheegayaa bulshada reer Maakhir, intaa ka dib, waxaan doonayaa inaan in yar oo war ah idin siiyo.

Taliye Xuseen Dheere oo ka markhaati furay khiyaamadii ay kula dhaqmi jireen Ciidanka Qaranka Somaliland muddadii ay ka tirsanayeen, siduu hore u shaaciyey Taliyaha Ciidanka S/G Nuux Taani ayaa yidhi,

“Markaanu Somaliland joognay waxaan aaminsanayn inaan farsamo aanu kula noolnahay dalka (Maakhir) ku difaacaynay, hadii Warsengali is-booxbooxay, ama reer Maakhir arrintaas sharaysteen, oo kacdood yimi, waxaan u bilownay inaan isugu soo afgambino Somaliland oo barnaamijkii ka soo wareegno, arrintaas oo inbadan aad u soo dhoweysay.” Ayuu sheegay taliye Xuseen Dheere. Isagoo raaciyey.

“Puntland waanu naqiinay, waxa la dhisay 1998-kii, meeshii aanu ka dhalanay ee Tolkayo ayey ahayd, xilligaa ilaa markan aanu Somaliland ka soo wareegnay niman garanaya aanu ahayn, hadaanu khayr ku ognahay, waagii horeba waanu ku soo wareegi lahayn, laakiin waxaanu ogeyn inaanay waxba qabanayn, faa’iido iyo macno ay leedahay oo Gobolkan u soo wadaana aanu jirin, ama barriga Sanaag ee reerka magaca sheegta ee Maakhir ay degaan ee gobolka Sanaag & Hayland ah, waxaanu annagu islahayn inta wadanka dawlad Soomaaliyeed la helayo ee aduunka la isugu imanayo, wadanka yaanu dagaal ka dhicin oon la qabsan sida Sool, horta farsamadaa ayaan ku wadnay.

Taliyahii hogaaminayey ciidamadii u wareegay  maamulka Puntland oo sii sharxayey sababaha ku ajburay inay khiyaameeyaan Somaliland iyo cidda u gacan-haadisay ayaa yidhi,

“Waxa la yidhi xabaal nin leh ayaa qarax-tirta. Waxaa Hartiyaasha, Daaroodka iyo Soomaalida soo dhoweynaysa, waa iska aragti dheeri, dadka hawshan lahaa, oo la doonayey inay waxqabtaan, oo annagu aanu ku xisaabtamaynay, oo isku hallaynaynay, oo u qeylo badnaa, waxay ahaayeen Qurba-joogta reer Maakhir. Reer Maakhiroow, 4 bilood ayaanu joognaa, Puntland waanu aadnay, waxaanu awelba ku mallaynaynay ayaan ku aragnay, waanu u sheegnay hadii mushaharka garamka laga helo ayey ku burro-sidaan. Inbadan ayaan luuqyada & telefoonada ka wada hadalnay waxba kama hayno, hadii laga soo gudbo, waxaan islahayn, dadka hawsha qaadanaya, ee waxa loo baahan yahay qabanaya waa reer Maakhir, laakiin ilaa hadda oo 4 bilood ah waxaan hadal ah oon tororog ahayn, oo la iska shubayo, oon bilaale caddeynayn waxaan ahayn kama hayno.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Reer Maakhiroow 3 qodob mid yeela? Iska aamusa, oo iskaga baxa hawadda, marfishyadana waa la idinkaga adkaan doonaa, oo caydii & ceebtii ayaad dib ugu noqon doontaan ama Waxqabta, annaguna rag ayaan nahoo waanu tashan doonaa, ama ISAAQ aanu u dhiibno dalka ama aanu iskaga tagno sidiina, laakiin arrinta aad imika ku jirtaan waxna ku noqon mayno, wax loo dulqaadan karona maaha.

Taliye Xuseen Dheere oo qoomameeyey lab-la-kacii ay ugu carab-laadlaadiyeen Qurba-joogta Warsengali,  ayaa yidhi,

“Hadaan wax la keenin, oo waxii wax lagu bilaabi lahaa, een u baahnayn la keenin,  hotra waxba iska qaban mayno? Dad baa yidhaahda hogaamiye (Leadership) ayaa loo baahan yahay, hogaamiyahu waxuu wax ku qabto ayuu doonayaa. Waxa weeyey Dhulbahante 4 boqol gaadhi wuu ka badan yahay Tiknikada ay haystaan, laakiin tallo ayaanay lahayn, oo tallo la’aan ayey wax ku wadaan, intaa wax ayey iibinayaan, kii yidhaahda meel ayaan istaagayaa sidaa ayey wax ugu soo shubayaan, intee gaadhi u baahan tahay, intee hub u baahan tahay, waar annaga waxba hanoo dhiibina, haddaad shaki qabtaan, oo wax idiin kala xidhxidhan tahay, hub baa loo baahan yahee, idinku gacantiina ku soo iibiya, ciddaad doontaan u dirta.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey. Taliye Xuseen Dheere oo muddo gaadhaysa ilaa toban daqiiqadood la hadlayey Qurba-jooga Warsangeli ayaa ka cudur-daartay telefoonkii oo ka kala go’ay, ayaa raaciyey

“Telefoon baa iga kala jaree, waan ku soo noqday, markaa saaxiibayaal waxaan leeyahay ama aynu waxqabano? Nin la odhan jiray Maxamuud C Fooldhaq, oo Warsengali Kornayl ahaa, oo dhowaan dhintay AHN ayaa berrigii dagaalkii aad ula yaabay Warsengaliga intaa shiraya een waxba ka soo baxayn, markaa ayuu yidhi  intuu gabyey ‘Warsengali war iyo shah ha wareejo labadaas, oo sida Weylo jilaal ha iska daba wareegeen..’ markuu halkaa marinayey ayaan afka qabanay oo nidhi, jooji wuu innagu fidayaaye. Horta tiibaa muuqata, war uun baa la wareejinayaa, oo la wadayaa la wadayaa, oo marka la daalo la kala tegayaa? Waxaan gallay qolal badan oo Warsengaligu isugu iman jiray, kama hadli jirine, waan dhegeysan jiray, markaan Ciidanka Somaliland ka tirsanaa, Sonkorta ayaa raggii igu soo daray ka mid ahaa, qaadhaanka markaad bixinaysaan $5 dollar yaad bixisaan. Annigu hadeer askari ayaan ahay, dannaha aad leedahiin ayaan leeyahay, 6 baabuur ayaan haystaa, lixduba ciidanka dhexyaaliin, ama Somaliland aan ka keeno, ama iibsado, ama Puntland ka keeno, midkiiba waa 20 kun dollar, hadaan damco inaan imika iskaga tago, intaan iibsado ayaan dadka dalka jooga ee ganacsada ka mid noqonayaa, waxa la idinka waayey qaadhaan kun kun dollar, shan shan boqol, ilaa boqol dollar ayaa la idinka waayey, haddaba waxaasi dadnimmo maaha, qarranimmo maaha, wax la dhegeysan karo maaha, idinka suggi mayno, dibna idiinka dhegeysan mayno, ama waxaad noqotaan dad wax huraya, annagu naftayadii iyo maal waxaanu lahayn ayaan dalka u hurnay inaan sharafteena iyo dannaheena ku ilaalino.”

Taliye Xuseen Faarax Adan (Xuseen Dheere) oo  quus-taagan lana dardaarmaya Qurba-jooga Warsengali ayaa gebagebadii yidhi,

“ Waddada Badhan iyo Ceel Daahir ee weli rafka ah iyo Jaamacada hadeerto laga dhisay Badhan hadaan dalka difaaciisa la samayn labadaba waxa ku dambaynaya oo gacanta ku dhigaya Huuno, run baan idiin sheegayaa, annaguna ama Huunada ayaan dib ugu celinayna aama waanu iskaga tegi doonaa. Waad ku faraxdeen markii aanu soo wareejinay, rag badan ayaa lahaa kaftankii ayaa noo furmay, ceeb badan baad naga dulqaadeen, fadhiga ayaa nalooga kacaa, rag badan ayaa ku qowlayey iyo gabdhaba, markaan ka soo wareegnay Somaliland ee adhax-jabka ku samaynay, annagu dil ayaan ka qoran nahay, ama shabaab halaa adeegsado ama Warsengali hala soo adeegsadee, waxa nalagu raadinayaa Dahab, hadda, waanu ismaydhi karnaa, oo ku celin karnaa, markaa sharaftii aad hesheen hadaad waxba qabanweydaan wax aka dambayn doonaa tii aad ka baqayseen mid ka darran, haddaydaan wax qaban, annaguna waanu tashan oo haddba sidaan doono ayaan yeelaynaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker