Madaxweyne haddii uu dhab kaa yahay hadalkii aad ka jeedisay Jaamacadda Timacade,dhakhso noogu Dhis Garoonkii Diyaaradaha ee Kalabeydh by M,A

Ugu horayn  waxan kaaga mahadnaqeynaa Qorshaha cusub ee aad u badashay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera,kadib markii buuq iyo sawaxan beelaysan ay hadheeyeen Garoonkìi Weynaa ee Cigaal International Airport, taasi bedalkeedana aad qaadatay Go’aan shariifa si loo helo Garoon Caalamiya oo bulshada Caalamku ku soo hirtaan,runtii suurto galmaaha in garoonkii hargeysa Gudo iyo dibadba laga taago dhisas aad u dheer oo ka madaxbanaan Xukuumada, waana wax halisku ah Ammaanka Garoonka,

Waanu soo dhaweyneynaa Qorshaga Cusub ee aad kor ugu qaadayso Islamrkaasna aad ku tayeynaysid Garoonka Diyaaradaha ee Berbera,
Waxa kale oo xusid mudan hadalkii aad ka jeedisay Jaamacadda Timacade 12 bishan,
Hadalkaasi oo ad ku sheegtay in gabiley waxay xaq u leedahay aaney ku waayi doonin Madaxweynenimada Muuse Biixi,
Hadaba madaxweyne haddii uu hadalkaasi dhab kaa yahay waxanu aad ugu jeelanahay Muddo dheerna ka sugaynay xukuumadihii kaa horeeyey, dhismaha Garoonkii Diyaaradaha ee Kalabaydh, kaasi oo muhiimad gaara ugu Fadhiya ganacsatada dalka,gaar ahaan kaargooga,
Hadaba madaxweyne haddii aanu hadalkaagii jaamacaddu ahayn meelkaga kac waxay reer gabiley kaaga fadhiyaan in aad hadalkaasi Ficil u badashid,haddii kale waxanu u arki doonaa fadhi kaga kac
Wabillaahi towfiiq
By M.A

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker