Xinif iyo Galaalow Awdal iyo Sool Waxay Raadinayaan 13 Xubno Gole Wakiilo iyo 25% Guud ahaan Fulinta iyo Garsoorka kaga Maqan oo ku Maqan dhanka Hargaisa & Burco !! 2 dan Cadeymood Dartood. By: Dr.KHadar –Libaaxley.

Aadamuhu sidiisaba Ma ogolla Cadaalad Daro iyo Xadhig qallooca Midna , Dulmi iyo Jahli darteed sida uu illaahayba Quraanka ku sheegay sifaha bashariyada taban waa u caado iyo dhaqan guracan oo aan gadaalna cawaaqibkeeda yeeluhu aanu mahadinin.
Mudanayaal Somaliland waa Magac dhalasho iyo hoy ay ku abtirsadaan Beelihii Boqortooyada Ingiriisku Raali uga noqotay dhaxalka dhulka iyo eray bixinta magacan Somaliland 1960 !!.
Haduu ogolyahay iyo hadaanu ogoleyn !! Haduu u soo dagaalamey iyo haduu la soo dagaalamay, Kama maydh-mayo , Birina kama goyn karto qof kasta oo u dhaxal tirsada dhulka magacan Somaliland la yidhaahdo ee ay haybtiisu deegaan ku tahay balse maaha Qiiq isku qarin iyo ku tiraabida “ Hebel Dano Shisheeye ayuu u adeegayaadu ” wax lagu shiki galin karo u dhalashada iyo dhaxal sheegashada Somaliland.
Caddaalad Darrada iyo Dulmiga jira Somaliland Cidda Sameynaysaa waa suuragal in ay Difaacayso si lamid ah sida ay suuragal u tahay Cid kasta oo qabta tabasho macquul ah iyo Caddaalad darro in lagu arko hab-dhaqan aan rasmi aheyn oo ay ka mid tahay Saami-Qaybsi raadis, Tabasho iyo Biyo Diidnimo hadal iyo ficil ba yeelan karta oo dhamaantoodna ka farcamaya Caddaadiska iyo Culeyska Caddaalad Darrada.

Gud. Xinifow Caddeymaha IYO Daliilka Duudsiga Somaliland ka Dhaqaaqi La’dahay Waakan:

1).Xaqqa Dhaxalka Qoyska Muslimka ah illaahay ayaa gacantiisa ku qaybiyey xataa Rasuulka S.C.W lama odhan Qaybi !! Rag , Dumar , Waalid iyo Qaraabo mid waliba Xaqa dhaxal ee islaamiga ah illaahay ayaa u Qoondeeyey Xaqqiisa; Murtidu waxa ay tahay Magaca Bixinta Somaliland iyo tirrada Beelaha Magacani huwanaaya intaba waxa yagleelay Boqortooyada ingiriiska , bishii juun 1960 LONDON Xornimada, Callanka iyo Dawladnimada Somaliland waxa soo qaaday 4 xubnood oo uu madax u ahaa Maxamed xaaji ibraahim cigaal dhamaantood rabi ha u naxariistee; Sababta 4ta Xubnood loogu soo dhiibey iyadoo mid iyo labba ba soo qaadi karayeen waxa ay ku tusinaysaa si muuqata, in madashaasi iyo maqaamkaasi wanqalka xornimada laga baranaayey ( Miisaanka Cadaalada iyo Masiirka Somaliland Cidda Wadda yeelaneysa oo aheyd 50% Beellaha Darifyada oo ay wakiil ka ahaayeen Beelaha kale ee aan aheyn beesha dhexe 2dii Xubnood ee waliba Calanka gacanta ay ka galisay Boqortooyada ingiriisku Xaaji Nuur xubintii Awdal Mataleysay iyo 50% Beelaha isaaq 2dii Xubnood ee kale oo iyaguna wakiil ka ahaa beelaha kale ee beesha dhexe).

Hadaba: Mudane Akhriste maanta Dawladeena dhan walba Cabbirka iyo Miisaanka ka saar Saami Qaybsiga Dawlada miyey kuu muuqataa Xaqqiiqada Duruustii iyo Miisaankii LONDON ee Xoriyadii ?! waxa ii muuqata Somaliland ay Cid gaara 75% ku shaqeysaneyso baahi weyna loo qabo bad-baado qaran.

2). 1991 bishii may 18 keedii shirkii Burco ee ergooyinka Beelaha Somaliland ka qayb galeen si ay Goob-joog ugu ahaadaan Heshiiskii Dib ula soo noqoshada Somaliland !! Ergooyinkii Shirkaasi ka qayb galey ee saxeexay Macnaha iyo Murtidii shirka loo yimi waxa ergooyinka loo qaybsaday Sagaal / 9 Xubnood oo Beelaha Darifyada ah iyo Sagaal /9 Xubnood oo beesha dhexe ah ; Xikmada iyo Miisaanka ku jirta 18 kan ergay ee ka koobnaa dhamaan beelaha u abtirsada Somaliland waxa macnaheedu ahaa in la hello Somaliland la wada leeyahay oo loo dhanyahay sidii ay shirkaasi Burcaba u ahaayeen 9 iyo 9 = 18 , oo waa sida ay ku soo sexeexeen gooni isku taaga iyo dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland 18 may !!!.

Markale : Hadaba: Mudane Akhriste maanta Dawladeena dhan walba Cabbirka iyo Miisaanka ka saar Saami Qaybsiga Dawlada miyey kuu muuqataa Xaqqiiqada Duruustii iyo Miisaankii Ergooyinka SHirkii Burco ee Dib ugu dhawaaqista Somaliland ?! waxa ii muuqata Somaliland ay Cid gaara 75% ku shaqeysaneyso baahi weyna loo qabo bad-baado qaran.

Gabo-Gabo iyo Gunaanad:

Gud. Xinif iyo Wasiir Galaalow Awdal iyo Sool Waxay Raadinayaan 13 Xubno Gole Wakiilo iyo 25% Guud ahaan Fulinta iyo Garsoorka kaga Maqan oo ku Maqan dhanka Beesha Dhexe !! si furan oo dhab ka hadal ah marka Awood Qaybsiga Somaliland ku saleyno miisaanka dhaxal qaybsigii LONDON 1960 ee 4tii xubnood oo 50% iyo 50% noqonaaya iyo si lamid ah 9 iyo 9 kii ergay shirkii Burco 1991 ; intaba waxa aynu ka baraneynaa casharka odhanaaya sida saxda ah ee loo wada yeelan karo Somaliland , Saami qaybsiga habkan ku dhisani maaha mid u baahan TIRO KOOB iyo CID la sugo toona , sida siyaasiyiinta qaarkood ku raad gataan SOOL iyo SANAAG ayaaney wali Maqan oo u Baahan in la soo gacan galiyo!! Hada waa 30 sanno ka dib? Maxaa maqneysiiyey ? Xumaan ma’aha ee waa Cadaalad Darro!! marka uu xaalku kaa yahay; sida hada xaalku yahayna ay tahay:-

Gollaha Wakiilada 82.
54 beesha dhexe kaligeed
28 beelaha kale.

Sida saxda ah waxa ay aheyd 41 Xildhibaan oo beelaha darifyada ay iyo 41 Xildhibaan oo beelaha beesha dhexe ah, balse imika dhan ayey xisaabtu ka rarantahay oo waa la isku dhacay dimuqraadiyadii doorashada, AWDAL IYO SOOL 13 Xubnood ayaa ka maqan oo kaga maqan Beesha dhexe!!.
Tani waa tusaale yar oo ka mid ah qaybaha Dawlada sidaa daraadeed Somaliland Caddaaladeedu sidan tahay waliba sidaa Ragga qaar soo indho cadyahay ma’aha Somaliland la wada leeyahay, ma’aha in aynu indho adeyg iyo qar iska tuurnimo lagu sii socdo, aduunyada badankeeda iyo daneeyayaasha gaarka ah ee Somaliland indhaha ayey ku hayaan xaalada oo ma moogana, waxa loo baahanyahay oo dadka reer Somaliland ku abtirsada deeqda waa Somaliland loo dhanyahay taasna waxa had-ba masuuliyadeeda leh Madaxweynaha Somaliland ee markaa tallada haya; Xaqqa Allah dhamaanteen ina waafajiyo insha’allaah.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts
Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka

9/16/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker