MAXAMED DAUD: WAXAANU DILAALAYNAA ETHIOPIA

Gadhka lagama eggo iyo cirrada guudka kaga taalle

Nin gabbaan hadduu hadal ka yahay waa gagabiyaaye – Abyan

 

Waxa dhowaan baraha bulshada soo galay qoraal-miskiin uu leeyahay nin mar masuul ka noqday dawladihii hore u soo maray Somaliland. Horta ilaahay ha loogu mahad naqo inaan shakhsi garashadiisa iyo garaadkiisu intaas gaadhsiisan yahay aanu hadda xil qaran hayn, ilaahayna ha laga baryo inaanu xil damabe qaban.

 

Maxamed Dauud wuxuu ku doodayaa in beelaha dega gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa, Berbera iyo Borama ay goostaan gobolkaas ka dibna ay heshiis la galaan Ethiopia si ay u dilaalal 100 million oo Ethiopian ah.  Ma jiro dad la dilaala, waxanse filayaa inuu u jeedo ganacsiga iyo wax soosaarka dadkaas ayaan dilaalayaa. Wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii Hong Kong u dilaali jirtay alaabtii warshadihii dawladda ee China xilligii shuuciyada ay China ku jirtay ee ganacsiga gaarka ahi uu mamnnuuca dalkaas ka ahaa.  

 

Maxamed Daauud miyaanu ka warhayn in nidaamkii shuuciyada, gaar ahaana qaybtii dhaqaalaha, muddo ka badan laabaatan sano ka hor laga laalaabay China iyo Ethiopiyaba.  Miyaanu la socon in China iyo Ethiopiyaba ay ka jiraan shirakadaha gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn dunida ee waxna soo saara waxna iibiya.  Bahasha qarandida la ydhaaho oo ah xayawaan foorara ayaa la yidhaaha marka dayaxa shan iyo tobnaadku soo baxo ayay ku war heshaa in bil cusubi dhalatay, markaasay tidhaahdaa bilay bil caanood. Ninkani mudadaa soddonka sano ku dhow ee dunidu sidan isu bedelaysay muxuu ku fooraray.

 

Wuxuu nikaasi soo jeedinayaa in beelaha bariga Somaliland dega oo sida muuqata uu ku wareeray, ay iyana Somaliya ku biiraan.   Lixdanadii markii dalki Somaliya uu xornimada qaatay, ayaa dadka qaar ku wareereen Majeerteenka, sida uu maanta Maxamed Dauud ugu wareeray dadka goboladda bariga dega,  waxayna tiriyeen shiribkii caan baxay ee – Marna waa Risaaq (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen), marna waa Rashiid (Cabdirashiid Cali Sharmarke), inta kale ma rootibaa.  Maxamed Daauud horta rooti iyo hadhuudh midna matihid, jahawareer baase kugu dhacay, waxoogay jacayl qoti ahina waa ku hayaa. Waxa dhaba in gobolada galbeedka wax weyn looga haysto qotida oo hadda raysal wasaaraha Ethiopia yahay aadna la isu dhexgalay oo loo kala guursan jiray, waan taa inta badan hadalka ninkani tuu ku qotomo.  Waxanse Maxamed u sheegayaa in dalkan Somaliland la yidhaaho dadkiisuna ay yihiin Somali nadiifa oon la tarraxin. Haddii jacayl qoti kugu dhacay adiga iyo kula fikirka ahiba u taga, haddii aad lacag doon tahayna booshari iska furo, laaiikn siyaasadda ka fogow, caafimaadkaaga iyo danta dalkuba sidaasay ku jirtaaye.

 

Wabillaahi towafiiq.

 

Abokor Baaruud

Baruda2006@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker