Mucjiso : Haweeney derbi jiif ahayd oo muddo kooban ku Noqotay Maalqabeen, balse waa maxay sababtu?

Awoodda baraha bulshada waxay noqotay mid waxyaaba badan oo cajiib ah lagu soo bandhigay, marar bandanna waxay sababtay isbedelka nolosha dad badan oo marnaba aanan fileyn inay caan noqdaan ama ay helaan hanti.

Ranu Mondal oo ah haweeney u dhalatay dalka Hindiya, waxay seexan jirtay gidaarada meel laga raaco tareennada. Waxay caan ku nootay muuqaal laga duubay iyadoo heeseysa. fiidiyowga ayaa lagu baahiyay baraha bulshada.

Ranu oo fadhida goob laga raaco tareenka oo ku taalla Magaalada Kalkata ee galbeedka Hindiya, waxay ku heeseysay cod aad u macaan kaas oo nin dhallinyaro ah ku dhaliyay in uu muuqaalka ka duubo ka dibna bartiisa bulshada ku baahiyo.

Muuqaalka waxaa maalmo gudahood ku daawaday inkabadan hal milyan oo qof, kuwaas oo aad ula dhacay codka hallaasiga ee Ranu iyo heybadda uu Ilaahay siiyay.

Waxay qaadeysay heesta Ek Pyaar Ka Nagma Hai ee uu horay u qaaday fannaanad u dhalatay isla dalkaas Hindiya oo lagu magacaabo Lata Mangeshkar.

Haweeneydan 59 jirka ah waxaa markiiba baadi-goob u galay shirkadaha duuba heesaha dalka Hindiya iyo barnaamijyada tartanka ee ka baxa telefishennada dalkaas, kuwaas oo doonayay inay soo bandhigaan heybadda ay leedahay ee dhanka codka, waxayna noqotay in lala xiriiray ninkii muuqaalka ka duubay oo markii dambe soo tilmaamay halka uu ku arkay iyo meelaha laga heli karo.

Dadkii ugu horeeyay ee la kulamy Ranu waxaa ka mid ahaa jilaaga caanka ah ee Himesh Reshammiya oo usoo bandhigay inay duubto oo ay ku luuqeyso mid ka mid ah heesaha ku jira Filimkiisa Happy Hardy And Heer ee aan wali soo bixin.

 

Haweeneyda codka macaan ayaa oggolaatay dalabka Himesh, waxayna ku luuqesay hees caan baxday oo lagu magacaabo Teri Meri Kahaani, taa oo markii ay duubesay uu muuqaal kooban ka duubay, ka dibna uu baraha bulshada soo dhigay.

Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in markale uu doonayo in Ranu uu kala shaqeeyo qeyb kale oo ka mid ah filimkiisa.

Mar wax laga weydiiyay guusha ay gaadhay Ranu waxay tiri: “Ujeedadka ah in aan fannaan noqdo ma ahan lacag, sidaasna ma ahayn ujeedkeyga ee waxay ahayd in aan helo fursad aan kusoo bandhigo hibada aan leeyahay iyo in aan helo wax aan ku noolaado”, ayay tiri Ranu oo la hadashay wargeyska Hindustan Times ee ka soo baxa dalka Hindiya.

Dad badan ayaa aad uga helay codka hallaasiga ah ee Ranu Mondal, waxayna baraha bulshada soo dhigeen sida ay ugu faraxsan yihiin in la ogaaday waxtarka ay leedahay.

Lata oo ah atariisha qaaday heestii ay ku caan baxday Ranu oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee dalkaas ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay gaadhay.

“Haddii qof uu ku faa’idayo magaceyga iyo shaqadii aan qabtay, waxaan dareemayaa in aan nasiib badanahay”, ayay tiri Lata oo la hadashay warbaahinta dalkaas.

 

Warbaahinta Hindiya ayaa kusoo warrantay in Ranu ay heshay noolal fiican, ayna mushaar qaadatay, haatanna ay heysato boqollaal kun oo doolar. Lacagtan ayaa la sheegay in Ranu ay ka sameysay heesihii ay qaaday iyo barnaamijyadii ay u duubtay qaar ka mid ah telefishinnada dalkaas.

Sidoo kale, fannaada Ranu ayaa dib ula midowday gabadh ay dhashay oo lagu magacaab Elizabeth Sathi, taa oo dad badan ay ku eedeyeen inay dayacday hooyadeed.

Hasayeeshee Elizabeth ayaa sheegtay in iyaduna ay la daalaa dhacesay noolasha oo aysan dayacin hooyadeed.

“Waxaan ahay hooyo korsaneysay caruurteda oo waxaan koriyay wiil yar oo aan dhalay, nolosheyda ayaan la daalaadhacayay, waan isku dayay in aan ka war hayo hooyadey oo xitaa waxaan rabay in ay nala noolaato, balse hooyo ma aysan rabin in ay anagana nala noolaato, sidaas oo ay tahayna dadku anigee i eedeeynayaan”, ayay tiri Elizabeth.

Ranu oo hadda la nool gabadheeda, waxaana loogu yeeraa Hooyadii codka hallaasiga ah lahayd.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker