Jawaab ku socota wasiirka beeraha Ahmed mumin seed.Somalidu waxay tidhaahdaa:Saddex baa rag u liita; Ma toshe,Ma tashade,Ma tashiishe.By faatax cali

Wasiirka beeraha JSL Axmed muumin seed ayaa beryahan wuxuu tv yada isla soo hortagaa inuu ka horyimaado awood qaybsiga ay doonayaan gobolada Awdal,Salal & gabiley ee uu ka soojeedo isagu wasiirkana uu ku yahay wasiirnimada,hadaba taasi waxay keentey inaan is weydiiyo doqontu maxay tahay???

Haddaba, Walaal waan Filaa intii aad Akhrineysay Iney kuu Sawirmeen Dhowr Qofood oo leh Astaamahaasi aan kor ku soo Xusnay,oo ay kamidyihiin wasiirka beeraha JSL Axmed muumin seed ,balse Wax kale Oran meynee Aan u Duceyno inuu ilaaheey tuso Waddada Xaqa ah.

(ilaahoow intii Lunsan soo Hanuuni, yaa Rabbi).

Waligaa ma kala hubsatey inaad doqon tahay iyo inkale? Ma xanaaqdaa marka qof si ulakasa kuugula dhiirrado doqonyohow amase doqonyahay? Doqonnimadu waa erey caan ah hasayeeshee waligaa ma iswaydiisey maxay yihiin astaamaha aad ku garan karto qofka doqoka ah?

Qoraalkaan oo kooban waxaad kaga bogan doontaa su’aalo badan oo in badan naftaadu hore isu waydiisey.

Hadaba intaanan bilaabin waxaan kasii afeenayaa labo arrimood

1: In ujeedadu aysan ahayn in lagu maadsado oo kaliya

2: In daraasadani ay tahay calaamado la arkey in doqomadu u badan yihiin sidaa darteed aan qofkastoo lagu arko lagu tilaami Karin inuu doqon yahay,laakiin calaamadaha lagu arkey Axmed muumin seed sida uu ugu naageynaayo shisheeyaha waxaa cad inuu doqon yahay ina muumin seed.

Qeexidda doqonnimada.Afka soomaaliga ereygaani wuxuu ku yahay dhimanaansho, siloonaan, amase qof ka hooseeya heerkii garaadka qofka caadiga laga malayn karayey markaa wasiirka beeruhu uu leeyahay calaamadahaa.

Inkastoo uusan jirin miisaan qofwalba lasaaro si loo ogaado heerka garaadkiisa hadana waxaa la wada ogsoon yahay in dadku ugu kala sareeyo xaga garaadka iyo caqliga sida xidigaha iyo dhulku u kala sareeyaan,ina muumin seedna waa dadka garaadkiisu aad u hooseeyo waayo gobolkiisa & degaankiisa kama horyimadeen.

Astaamaha Doqonnimada

Calaamadahan lama oran karo qofka tilmaamaya wuxuu fara galinayaa abuuristii alle labo sababood awgood tan koowaad qoraalkani kaliya waa kawaramid tilmaamahan sida loo arkey tankale anigu kuma doodayo qofwalba oo laga helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badan yihiin hadaba calaamadihii waa kuwan.

Astaamaha doqonku waxay u qayb samaan labo qaybood qayb muuqaalka laga garan karo iyo qayb dhaqanka iyo ficilladiisa laga garan karo marka labadan qaybood sida ay u kala horeeyaan ayaan wax uga tilmaameynaa.Hadaba markaad eegto aqli xumadiisa ,aqoondaradiis,garaad gaabnidiisa,gobolkiisa & nacaybkiisa .sidaasi darteed bulshada degan gobolada Awdal,Salal & galbeedka gabiley waxaan kula talin lahaa iney talaabo adag ka qadaan cidkasta oo ka horti maada maseerkooda iney gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaan  ku soo gabagabeynayaa gabaygii ahaa: Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye

Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhawrataa abide …

Waxaan leeyahay wasiirka beeraha JSL Axmed muumin seed hadaladan aad ku hadleysaa waxaa dhaama geerida ee wax isku fal oo xishoo.

 

 

By faatax cali

Faataxcali@hotmail.com

UAE Dubai

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker