Ugu Yaraan Sagaal Askar Oo Kenyan Ah Oo Lagu Dilay Mandheera

War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Mandheera ay ku dileen Sagaal Askari oo ka tirsanaa Militariga Kenya.

 

Weerarka oo ahaa mid jid gal ah sida ay sheegteen Al-Shabaab ayaa dhacay galinkii dambe ee maanta, waxyar uu ka dib markii ciidamada Kenya ee la weeraray ay kasoo bexeen saldhig ay ciidamada KDF-ta Kenya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan gobolka Mandheera.

 

Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen warkooda in weerarkaas ay Militariga Kenya uga dileen 9 askari, sidoo kala ay kaga gubeen ilaa Afar gaari oo tikniko ah.

 

Ciidamada la weeraray ee Kenya ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo baxeen saldhig military oo ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam, waxeyna kusoo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

wali wax war ah oo ku aadan weerarkaas ay sheegeen Al-Shabaab in ay ku dileen ciidamo Keenyaan ah kama soo bixin dowladda Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker