Madaxweyne Trump oo shaqada ka Eryay mid kamid ah la taliyeyaashiisa

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii arrimaha amaanka John Bolton.

“Waxa aan xalay u sheegay John Bolton in adeegiisa aan xilligan looga baahnayn aqalka cad ,” ayuu soo qoray madaxwayne Trump.

“Waxaa aan si adag isugu khilaafnay waxyaabaha uu so jeediyay,” ayuu intaa ku daray Mr Trump.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sheegay in toddobaadka so socda uu magacaabi doonto la taliyihiisa cusub ee dhanka amaanka.

Waxaa la sheegay in kala qaybsanaanta ay kala dhalatay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu meesha ka saaray qorshihii nabadda ee Talaiban iyo Mareykanka.

Mr Bolton Tweetarka ku soo qoray: “waxaan is casilaadeyda u gudbiyay xalay madaxwayne Trump waxa uuna igu yiri , ‘waxaan ka wadahadli doonaa barito.’”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker