EX-WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI IYO SHACABKU KALA WAR LA …..

Marka hore salaan dhamaan dadka akhrisanaaya maqalkan marka xigtana waxan u mahad naqayaa bahda warbaahintan.

Maqaalkan waxan kaga hadli doona si kooban qofka ex wasiir maxamuud xaashi iyo intii uu xilka hayey ka hore DP world intan heshiiska lala galin.

Maxamuud xaashi Cabdi taarikhdiisa hore wax badan kama aqaan wan ka cudur daaranayaa in kastoo dad ay aad saaxibo u ahaayen

oo aan la kulmay ii cadeeyeen inuu ahaa nin diinta aad ugu fiicnaa masaajidada ka dhigi jiray tafsiirka wakhtiyadi 90 maadki.

Maxamud xaashi anigu waxan bartay shaqsiyan marki dawlada kulmiye dhalatay 2010 markaas oo uu noqday wasiirkii duulista iyo hawada

Xiligaas oo aan ka shaqayn jiray mid ka mid ah shirkadaha dulimaadyada ka shaqeeya ee somalida.

Muhiimada qoraalkaygan hadii aan soo laabto maxamuud xaashi maalmahan waxan ku arkaa xafladaha isagoo ka soo dhex muuqda mar marka qarkoodna

doodo soo abaabula isagoo bulashada isugu muujinaaya inu yahay siyaasi xeel dheere ah wax wanaagsana wadanka u soo kordhiyey intii u xilka hayey.

Waa marka hore maxamuud xaashi iyo bulshadu kala war la, intooda badan bulsahada reer somaliland maxamuud xaashi waxay u taqaan nin qaranka boobay

hanti badana lusaday waana ku saxan yihiin markhaatina uma baahna in lacago aad u badan u lunsaday intii u xilka hayey.

Hadii aan wax yar ka taabto musuqa anigu aan shaqsiyan dareen sanahay markhaatina aan ka aha waxa kow ka ah lacag dhan $15 million oo dawlada Kuwait ugu deeqday

madarada somaliland in lagu dhiso gaar ahaan kan hargeisa, lacagtaas waxa ka shaqeeyey dawladii UDUB ee u wasiirka duulista ka ahaa Cali WaranCade.

Wasiir Warancade waxa uu qandaraaska madaarka hargeisa lagu dhisaayo siiyey shirkad Chinese ah oo markiba bilowaday survey-gedi soona saartay naqshada iyo sida u noqon

doona madaarka hargeisa runtii xiliga anigu madaarka ayan ka shaqayn jiray waxay ahayd 2009 kii naqshadaas wan arkay waliba shirkada chinese ka ah madarka ayey ka dhex

waday hawlaha ay ugu sii gogol xaadhayso dhisida madaarka cusub sida lay sheegay waxay ku qandaraastay lacag dhan $8 million oo doolar waxan meesha ka muuqday madaar aad

iyo aad u qurux badan standard ahna ka soo baxaayo hadi ay dhamaystri lahayd shaqada.

Nasiib daro bilowgi 2010 waxa talada dalka ku guulaystay xisbiga kumiye malinti xilka la wareejinayey waxa la sheegay in maxamuud xaashi goobtaas uu joogay waxa la

xaqiijiyey sabata maxamuud xaashi wasiirka dulista u noqday inay ka danbaysay damac ka galay lacagtaas $15 million ah wanu noqday wasiir isla marki uu wasiirka noqday

shirkadi qandaraaska qaadatay ee madarka dhisi lahayd wuu eryey waxanu siiyey qandaraas nin ay ilmaadeer yihiin oo lagu magacaabo cumaani oo aan la hayn meel iyo

taariikh uu madaaro ku soo dhisay qalabna aan lahyn iyo capacity uu madaar dhan ku dhiso ninki iyo isagu si ay wax u kala qaateen ilaahba inaga og laakin

waxan idin sheegaya in runwayga ay diyaarduhu ku soo dagaan ee hargeisa xooga la kab kabay lana dul saaray layer cusub oo marku doono hadaba iska jaajaba

wax kale oo lagu qabtay lacagta xadigaas leh lama sheegin isagana meel uma dhaafto waa $15 million oo doolar .

Qodobka labaad waxa jirta madaarka qof walba oo ka dhoofa laga soo bilaabo 2012 meelahaa waxa laga qaadi jiray $10 oo lagu sheegay security fee lacagtaas 2014 waxa laga

dhigay $26 doolar waxana qasab lagaga dhigay shirkadaha diyaaraduhu inay ticketka ugu qariyaan si anay dadku u dareemin wanay dhacday shirkadahana culays bay ku ahayd

ilaa hadana way dul saarantahay wana laga qaada, xadiga lacagtaas qof walba wuu iska qiyaasi karaa waliga qofka madaarka marun soo arkay ama kasoo shaqeyey

tiroba waxa ka bixi jiray diyarado badan sida , Daallo, Jubba Airways, Ethiopian Airlines, African Express, Fly dubai, Air Jabuti, Air arabia oo mar danbe kuso biirtay

Ocean Airlines, iyo shirkada yar yar oo kale oo European Uninon iyo UN ta ah dhamaan dadka raacad diyaaradahaas qof walba oo ticketkiisu hargeisa ka bilowdo lacagtaas

waa lagu lahaa markad qiyaasto inta qof ee malintii ka dhoofta madarka intaas oo flight marka ay malinti ugu yaraan 5 shirkadood ka shaqeeyan qarkood labada galinba

shaqeeyaan wad iska qiyaasi karta xadiga dad raacayaa, dhaqalaha halkaas ka soo baxa marka laga tago xooga yar oo mushahar loo siiyo inamada iyo hablaha security-ga

airportka qaybta dadka iyo alaabaha baadha mooye inta kale Maxamuud Xaashi iyo dad isaga ku xeeran meelna uma dhaafto lacagtas waxan aminsanahay hadi si fiican oo

daacadnimo ah loo maamulo in ay dhisi lahayd madaaro casri ah sanad walba malaayin doolar way gaadhaysaa.

Hadaba guntii iyo gunaanadkii Maxamuud Xaashi waxa u yahay cid walba way ogtahay waxan kula talin lahaa dadka iyo dalkan uu dhacay iskaga haajiro waji xumadisa

mar danbena anu u soo hanqal taagin inu xil ka qabto madaxweyne muuse bixina waxan ugu ducaaynayaa maadaama ninkaas aafada qaran ahaa anu wax xil ah u dhiibin

soona dhawaysan isagoo garanaaya wuxu gudo iyo wuxu galoba.

Mahadsanidin

 

Ahmed Yusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker