Cristiano Ronaldo Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoorka Goolasha Caalamiga ah & Mahadhooyinkii Loo Diiwaangeliyay Ka Dib Afartii Gool ee Uu Dhaliyay

Isagoo dhaliyay afar gool kulankii ay Portugal 5-1 kaga badisay xulka Lithuania, Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaanaya rikoorka goolasha caalamiga ah ee uu xiddigii hore ee xulka Iran Ali Daei kaasoo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee xul qaran oo gaaraya 109 gool.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolashiisii 90aad, 91aad, 92aad iyo 93aad ee heer caalami kulankii ay ka badiyeen Lithuania, isagoo rigoore ku bilowday qeybtii hore ka hor inta uusan seddex kale ku darin qeybtii labaad.

 

William Carvalho ayaa goolasha soo xiray iyadoo guusha ay gaartay Portugal ay ka caawineyso inay group-kooda kaga sii jiraan kaalinta labaad iyagoo ka danbeeya Ukraine.

Waa markii 54aad waayihiisa ciyaareed ee uu Ronaldo hal kulan dhaliyo seddex gool ama ka badan, waana markii 8aad ee uu seddexleey u dhaliyo xulka qarankiisa Portugal.

Xiddigaha Heysta Rikoorka Goolasha Caalamiga Ah:
# Magaca Wadanka Goolasha Kulamada
1 Ali Daei rikoorka goolasha caalamiga Iran 109 149
2 Cristiano Ronaldo rikoorka goolasha caalamiga Portugal 93 160
3 Ferenc Puskás rikoorka goolasha caalamiga Hungary 84 93
4 Kunishige Kamamoto rikoorka goolasha caalamiga Japan 80 84
5 Godfrey Chitalu rikoorka goolasha caalamiga Zambia 79 111
6 Hussein Saeed rikoorka goolasha caalamiga Iraq 78 137
7 Pelé rikoorka goolasha caalamiga Brazil 77 92
8 Bashar Abdullah rikoorka goolasha caalamiga Kuwait 75 134
9 Sunil Chhetri rikoorka goolasha caalamiga India 72 112
10 Kinnah Phiri rikoorka goolasha caalamiga Malawi 71 115
Majed Abdullah rikoorka goolasha caalamiga Saudi Arabia 71 116
Kiatisuk Senamuang rikoorka goolasha caalamiga Thailand 71 134
Miroslav Klose rikoorka goolasha caalamiga Germany 71 137
RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Ma Caruur Mise Qof Weyn Waxa Sigaarka Cabaya? Muuqaal Dood Badan Dhaliyay Oo Laga Soo Duubay Horyaalka Turkiga Oo Ugu Danbeyn Jawaab Loo Helay

Goolashaan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo isreebreebka Euro 2020, waxaana uu rajeynayaa inuu wax ku sii darsado kulamada heerka caalami ee la ciyaarayo bisha soo socota isagoo 16 gool u jira rikoorka goolasha caalamiga ah ee Ali Daei.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale jabiyay rikoorka goolasha kulamada isreebreebka Qaramada Yurub isagoo haatan dhaliyay 24 gool waxaana uu jabiyay rikoorkii Robbie Keane kaasoo isreebreebka Qaramada Yurub ka dhaliyay 23 gool.

Lithuania ayaa sidoo kale noqotay xulkii 40aad ee uu xiddiga reer Portugal shabaqa ka soo taabto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker