Axmed Madoobe oo aroos ugu dhigaya Gudoomiye Faysal Cali waraabe iyo Mama Malyuun….See Camal ?

Wararka hoose waxay sheegayaan in Jaalle Axmed Islaan Axmed Madoobe ka shaqeynayo arooska Gudoomiye Faysal Cali Warabe  iyo Mama Malyuun Suuban Cali oo arooskoodu  ka dhici doono Kismaayo caleemo saarka Jaalle Axmed Madoobe kadib …..Arooskaa Ogolaanshiyihiisa waxa qalinka ku duugay nin Ingriis ah oo haya’ad haysta  oo la yidhaah Jaalle Damon Bristow iyo Jaalle  Muuse Biixi Cabdi ………. Allah ayaan idinku dhaarshaye nin sheeganaya Madaxweyne oo hadana la saxeexaya heshiis nin haya’ad yar haystaa meeshaasi miyaanay sakaard ahayn meel dhimatay oo qoys loogu dawarayo xataa safiirkii waa diiday inuu saxeexo kaga daranee Wasiiradii dalku way dul taagan yihiin iyo kuwii haya’adaha haystay ee ay ahayd inay saxeexaan duqa AL- Xaaji Axmed Silaanyo marnaba kamay suurto gasheen waar miyaad waalantihiin AL-xaaji Axmed Silaanyo waa nin International ahe ma Muse Local Guinea Alpha Condé baa iyo rooga cas oo cid kasta wax la saxeexa haduu nin cad ba yahay oo uu suudh sito …….. Markaa  saxeexaa waxaynu kasoo qaadeynaa inuu arooska ku saabsanaa.

Iyagana waxa la arkayey Suldaanadii gobolada bari oo uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe qado sharaf u sameeyey si ay ugu geed fadhiistaan….. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  hablaha ay walaalaha yihiin ee Ilma Cali Waraabe waxa qaba Darood mid waxa qaba Majeerteen wiilka  ay dhashay inantaa Ina Cali waraabe ee  Majeerteenku qabaa  wuxuu qabaa gabadh uu dhalay Jaalle Axmed Siciid Naleeyey  inantii saxafiyada ahayd Hodan Naleeye ( AHUN ) walasheed adigu Marwo Hodan walasheed waxa qaba wiil Majeerteen ah oo uu Gudoomiye Faysal  Cali Waraabe abti ruma u yahay asbuucii uu lahaa intuu dhagta isqabtay Jaalle Faysal Cali Waraabe waar  Hawiyow gumaada Darooda isla asbuuca ayaa inantaa qaraabada la ah ee Marwo Hodan Axmed Siciid Naleeye lagu dilay Kismaayo taa Hindigu wuxuu yidhaah Karma.. Inanta kale ee Ina Cali Waraabe ee ay Gudoomiye Faysal walaalaha yihiin waxa qaba Wiil uu professor Cali Khaliif Galaydh adeer u yahay………… Gudoomiye  Faysal Cali Waraabe shalay wuxuu laha waar Daroodka layaay maanta waa caleemo saar iyo aroos Darood ayuu wada oo diyaaradu saani uma tagto Kismayo Xamar buu sii mari donaa isagoo Madaxweyne Maxamed Cadilaahi Farmaajo ama Madaarka Adan Cadde ama Villa Somalia Kula kulmi Doona fariin uga sida Jaalle Muuse Biixi kusaabsan macdanta Somaliland iyo in jaalle Farmaajo faraha kala baxo madaarka Hargeysa oo lagu wado in dhawaan duulimaadyada caalamiga laga mamnuuco ……….. Shalay Jaalle Muuse Biixi wuxuu lahaa Darood awoowayashood baan dhirbaaxay hadana waxa la sawiray iyadoo dhexda lays haysato Darood gurigii Allah ee Xaramka ahaa dhexdiisa  Muwaadin adigana shaadh buluuki ah ayaa lagagu xidhayaa …… Markay meeli salka dhulka ku dhuftay waxaad ku garataa iminka meel kasta waxay donayaan inay dadka afka qabtaan waar xataa websites kii ayey qaarna xidheen qaarna boliis dhigeen ayna waxba dhaafeyn kalsooni daro awgeed….Waan goosanay maxay hada ….Waar dalkii Somaliya ahaa shan ilaa lix Gaweeto ayaa loo qaybiyeyoo Gaweeto kasta reer kaliya ayaa ku dawarsada…

Arooskii dib ugu noqo waar Mama Malyuun Suuban Cali  waxay lahayd safar baa isoo galay iyadoo ay iska cadahay inay kusoo socoto Kismayo kadib markay dhamaysay buug la yidhah ” I won’t be silenced ” oo ay qoraysay oo iminka publisher loo raadinayo…..

Buugii Aan Akhriyo Ee Ay Gabdh Somali Ah Qorto Kii Ugu Fiicnaa Xagayga Wuxuu Ahaa ” The Desert Flower ” By Waris Dirie And Cathleen Miller Hal Habeen Baan Ku Dhameeyey August 1998 Ghost Writer Oo Qofka Af-Ingriiska Ku Qortay Ah Cathleen Miller Buuga Waxay Ka Dhigtay Literature Book Adoo Arkaya Meelaha Qaar Inay Marwo Waris Dirie Inay Been Sheegayso Ayuu Caqligu Ku Odhanayaa Waa Runteeda Daa Inanta Sida Fiican Ee Ay Mrs. Cathleen Miller U Qortay ………… Waxaan U Rajanayaa Mama Malyuun In Qof U Dhiganta Mrs. Cathleen Miller Inay Buuga U Qortay Anaku Waxaan Ugu Balan Qaadaynaa Xayeysiin Af-Ingriii Ah Adigu Falaqayn Fiican Insha’a Allah … Buugaa “The Desert Flower ” Ee Waris Dirie Xagayga Wuxuu In Yar Ka Hoseeyaa “Angel’s Ashes ” Oo Uu Qoray Mr. Frank McCourt( RIP) Isba Waa Biography Hadii Aad Tahay Aabo Balwad Leh Please Akhri Buugaa Hadaad Tahay Hooyo Ninkeedu Balwad Leeyahay Fadlan Akhri Buugaa Dhawr Luqadood Ayaa Lagu Turjumay Taqriiban Af Kasta Ayaad Ku Heli Kartaa Hadaynu Bilowno Buugta Way Inagu Faro Badaneysaa markaa Mr. Frank Mccourt Walaalkii Mr. Malachy McCourt Ayaa Isna Buug Qoray Isla Waqtigaa Waa Memoir Waxa La Yidhaah “A Monk Swimming ” Hadaad Akhridid Bugaa Waxaad Dareemeysaa Inaad Saran Tahay Roller Coaster Adigoo Dawakhay Ayaad Dhameyneysaa waar labadaa nin bugaagtoodu waxay i bareen Marwo Maeve Binchy ( RIP) bugaagteeda waxba kama tagin adna bal ku day …………

Waar Warku Wa Badanayaa Ee Aynu Kusoo Afmeerno Somaliyeey Hadii Tol Layahay Bugaa Aan Cirka Gelino Oo Mama Malyuun Ha U Gadmo Website Kasta Ku Tuura Intay Ka Tidhaah Youtube Wax Kabadan Sheegi Mayso Ee U Kala Kiciya Xaajiyada Sanadka dambe Ha Kusoo Xajido Lacagtaa oo ha iska bareejeyso Jaalle Muuse Biixi Iyo Jaalle Ina Kaahin Ee Insha’a Allah..

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker