Ururka Al-Shabaab Oo Shaaciyay inay 9 Askari oo Ciidamada Dalka Kenya ka mida ku dileen Magaalada Xuduuda ku Taalla ee Mandheera

Al–Shabaab ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegtay in xoogag hubeysan oo ka tirsan ciidankeeda ay weerar ku qaadeen meel ku dhow saldhigga ciidamada Kenya ku leeyihiin deergaanka Ceelraam oo hoos taga degmada Mandhera ee gobolka Woqooyi bari dalkaas.

 

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo Kenyan ah isla markaana lagu gubay Afar gaadhi oo qaarkood ay yihiin nooca Gaashaaman ee Tawaangada loo yaqaan.

 

Weerarkan oo dhacay Shalay Talaadadii wakhtiguna ahaa Xilliga Salaada Duhur  ayey Al-shabaab sheegtay in gaadiidka ay gubeen ay kala ahaayeen Taw, Kooyal, Mitsubish iyo Probox.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka uu ciidanka Kenya qabsaday daqiiqado kadib markii ay ka soo baxeen saldhigga ay ku leeyihiin Ceelraam kuna sii jeedeen dhanka Xuduuda gaar ahaan wadada aadda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

 

Ciidamada Kenya iyo Maamulka gobolka woqooyi bari Kenya ayaan ka hadlin illaa hadda weerarkan oo qeyb ka ah weeraro dhabo gal ah oo marar badan Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalkaas gaar ahaan gobolka Soomaalidu degto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker