Daawo: Xulka Qaranka Kubadda Cagta Somalia oo La Saadaalinayo inay ka mid Noqdaan Wadamada Ka Qayb galaya Koobka Adduunka ee 2022

Harare (OWN) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika,

 

waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaadho kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto.

 

Anwar Siid Cali ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay.

Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad.

Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin.

Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930-

WAA GOORMA KULANKA?

Kulanka waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 4:00 Galabnimo, sida la rajeynayo barta youtube-ka xiriirka kubadda cagta Adduunka (FIFA) ayaa laga daawan doonaa, walow ay jiri doonaan TV-yo kale oo soo tabin doona ciyaarta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker