Waddani Miyaa Laga Badiyey ?.

Haddal iyo hilbo ba kala qalinee, xisbigaygii Waddani miyaa laga badiyey mise cidlaan ka caadifooday? Aan cadeeyo. Go’aanka Waddani wuxuu ku sallaysanaa laba qodob: kala dirista KDQ, iyo saamiga xubnaha KDQ. 21 January ee sannadkan ayey Golaha Guurtidu u kordhisay Golaha Wakiilada mudo ka badan inta u hadhay mudo-xilleedkii Gudigga Doorashooyinka.
Taas macnaheedu yahay, in isla maalintaas uu meesha ka baxay qodobkii koowaad ee la isku hayey, mar haddii ay cadaatay in aanay gudigani doorasho qabaneyn.
Maalintaas 21 January laga bilaabo, Waddani wuxuu ka dagaalamaayey arrinta saamiga.
Lix billood ka dib oo ku beegan 29 July, ayuu Waddani hishiis madaxtooyada ku saxeexay, kana tanaasulay go’aankiisii; taasi waxay ahayd guuldaradii koowaad. 18 August ayuu Waddani mar labaad shaaciyey innuu ka baxay hishiiskii xisbiyada; isla 28 August ayuu xisbigu soo saaray war-saxaafaddeed uu ku sii adkaynaayo go’aankiisa 18kii bisha. Maanta (8 September) ayuu mar labaad ka tanaasulay go’aankii uu 18 Aug qaatay; taasi na waa guuldaradii labaad.
Waxaas oo dhan sheeko ka sii xiiso badan ayaan idiin hayaa. Waddani wuxuu maanta ku calaacalay in : xisbiga Kulmiye oo kaashanaaya labadiisa garab ee SONSAF iyo APD ay beesha caalamku ka dhaadhiciyey, in Waddani kaligii diidanyahay doorashada. Halkaas far baa ii taagan. Doorashadii 2017kii hor ayuu Waddani kalsoonida kala laabtay labada urur ee Kulmiye ka tirsan, waa Sonsaf iyo APD’ee—haddana isla maalmahii ayuu kalsoonidii u celiyey. Isla doorashadii ayey labadii urur taageereen Kulmiye, kuna markhaati fureen Waddani. Haye, Waddani mar labaad ayuu kalsoonidii kala noqday labadii urur, haddana maalmo ka dib ayuu wada shaqayn la bilaabay; dee maantana waa kuwaa mar labaad ku markhaati furay!!.
Kollay waad yaabteenee, aan idinka qosliyo; Waddani haddana wuxuu diyaar u yahay innuu la shaqeeyo labadii urur!!!.
W.Q: Hassan Garnayl

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker