Ciidamada Sh Abu Mansuur Roobow iyo Raiisul wasaare Khayre oo isku Mari La, Shuruudaha ay Hor dhigeen Hadii la qaranayo

Baydhabo (OWN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool ayaa waxaa Safarkiisa ku geedaaman arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwa muhiim ah.

 

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la filayaa inuu booqdo xeryaha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidanka daacadda u ah Sheekh Mukkhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

 

Sida ay ogaatay Oodwaynemedia  u jeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ugu muhiimsan, sidii loo Qarameyn lahaa ciidamada Abuu Mansuur oo qeyb ka ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa waxa ay horay shuruudo adag ugu xidheen in la Qarameenyo, kadibna lagu biiriyo ciidanka Xoogga.

 

Shuruudahaasi oo ay hordhigeen guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa ka mid ahaa:

1– in ciidanka hoggaankiisa ay qeyb ka noqdaan

2– in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada iyo saanadooda loo dhameystiro.

Haddaba waxa ay dad badan is weydiinayaan, sida uu Ra’iisul wasaaruhu u fulin doono shuruudahaasi oo uu wax badan ka ogyahay hoggaamiyaha ay ka amar qaataan.

Roobow ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka soo xireen isagoo musharrax ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Lama oga sida ay wax noqo doonaan, balse Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamadii Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad ku suganaa deegaanada maamulka Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker