SOMALIDU INAY FARAACIINTII KA SOO JEEDO WAXBAA KA JIRA OO DHAQANKEEDAY KA MUUQATAA

Hubaal xagga maamulka iyo siyaasada waxaa ku cad inaynu wax weyn la wadaagno qoladii Allah nacay  ee la odhan jirta Faraaciinta. Wuxuu horta magacoodu micnihiisu ahaa  qolaadii haysatay aqalka dalka laga maamulo (the great House) waa inagu  waxan aynu u naqaano madaxtooyo. Waxaa caddaana inaga kolba madaxweynihii gala ayaa reerkooda ka soo buuxiya dawladana reerkooda ku kooba sidii Faraaciintu ay samaynjireen shacabka kalena way ka ilaalinjireen oo ka safayn jireen  madaxnimada  siiba wixii muhiima waxaanay isku sheegi jireen Superpower iyo wax yaalo kasii xun xun iyo Fircoon ka xukuma oon u haysan in cidi ka sarayso kasoo Allah sheegan jiray. Xukunkaa fircoonku iyo faraaciintiisu waxay iska dhaadhicin jireen inaan dadka kale shaqo loo ogolaan meel kasta horjoogohoodu iyaga noqdo. Imika intii Xukuumaddii kulmiye iyo  waxay wateen xumaantii firaaciinta ayey la soo baxeen, Madaxdoodii oo dhan hadal xumaantoodii wadankii ummadii way wiswiseen goboladii qaar calankii way dejiyeen oo way goosteen qaar wey diyaargaroobeen qaar kale saansaan dagaalbay bilaabeen waxaanaa waxaa keenay qoladii aqalka Madaxtooyada gashaaba (the Great house) waa madaxtooyadii Faraaciinta oo ay isku dhaqan noqdeen intii  Xukuumadda Kulmiye timi Madaxtooyadii SOMALILAND.

Dadkii wanaaggii waa  wadanka iyo qaranimaddii waxay u qaateen madaxweyne iyo Madaxtooyo .waa wixii dawladii Afweyne ku kacday iyo fikirkii madaxa ka wada galay kuwanna sidii bay wadadoodii u mareen waanay dumaysaa dawladda SOMALILAND haddaan xukuumadda iyo Madaxda iyo taageerayaashoodu xummaanta iyo kibirka iyo afxumada Iska qaban. Kol haday xukuumad iyo shacab iska soo horjeestaan oo ay xididada isu siibaan  qaranimo ma jirto. Qabaailkana nin dhulkiisa ka tegayaa ma  jiro ee waxa tagaa waa maamul oo maamulka xun baa tega. Waanaaynu eegnaa.
Xukuumadda SOMALILAND  wadadaa ay qaaday way haynaysaa hana ku socoto laakiin wey muuqataa inay wado qaldan qaadday. AFXUMIDA MADAXDA WAX SAHLAN MAAHA AMA MADAXWEYNUHUBA AFXUMO YUU CIDNA SOO FARIN ISNA KU HADLIN WAA WAXA XUKUUMADUHU KU DUMMAAN HUBAAL.
M BASHE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker