Reer Awdaloow, hadalkiinii wuu isbadalay ,laakiin …..

Waan ku farxay hadalkiina sibadalay.Waan ku farxay go’aamada aad soo saarteen,laakiin kumaan farxin inaad hadal kaliya ku jiigtaan.waxaan jeclaanlahaa  inaad talaabo qaadaan oo wax samaysaan.Hadal,hadal;hadal uun hadii aad ku jiraan waxba soo kordhinmaysaan,dadkii  kalena  hawshoodii way wataan.Nin hawshiisii wata iyo nin hadal uun ku jiraa  isma gaadhaayaan.Labadaa arimood isma galayaan.Ninka afka uun ka hadalaya iyo nin  talaabo ka qaadaya wixii la soo gudboonaada meel ma wada degayaan.
Cashuurtii waad bixisaa,Macdantii Buuraha waala gurtaa,Camuuddii Doooxa bariisle waa la gurtaa,nabadna waa lagu seexdaa.Sidee isku qabanayaan arimahaasi?
Sidee isku qabayaan in lagu baadho oo adna aad hadal uun ku jirto?
Nin lugta kaaga joogaa,iga kaagama kaco,laakiin hadaad feedh qabadsiiso,lafahiisa ayuu ama wuuba kaa carari.
Waxaa loo baahan yahay inaad talaabo qaadaan oo joojisaan bixinta cashuurta meelkasta oo aad ka joogtaan Awdal iyo salal.
Waa in aad tagtaan Xafiisyada Beesha caalamka ee Nairobi si aad u cadaysaan cadaadiska laydinku hayo.Hadii laga maarsan waayo .waa inaad codsataan in la keeno Somaliland,gaar ahaan Golada Galbeedka Ciidan Amisom si amaankiina u sugtaan.
Axmed Adan Xuseen,Luton Uk
geeddiqsi@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker