IS QARXIYA ADEER AAN AMIIR NOQDEE!!!

Diinta oo xukun lagu raadsado waa arrin taariikhda aadanaha marar badan soo martay.Hoggaamiyaha magac diineed awoodda ku qabsadaa wuxuu ku doodaa in ciddii xukunkiisa ka hor timaaddaa ay Alle ka hor timid,ciddii dhaliishaana ay Alle dhaliishay.Markii dhaqdhaqaaqii wahaabiyadu kasoo if baxay dalka hadda loo yaqaan Sacuudi Carabiya,waxaa markiiba fahmay in meeshan fursadi ku jirto hoggaamiye qabiileed oo la oran jirey Ibn Sacuud.Ninkani wuxuu taageeray ururkii,wuxuuna la xididay hoggaamiyihii ururka Sh.Maxamed ibn CabdiWahaab.Gaashaanbuurtaas aala Sacuud iyo aala Shaykh waa tan maanta ka Talisa boqortooyada Sacuudiga.Fikirkii wahaabiga waxaa lagu fidiyey dalalka muslimiinta oo dhan ayadoo la adeegsanayo lacagtii saliidda.Waxaa magaalooyinka barakaysan laga furay wax loogu yeeray jaamacado oo lagu tababaro dhallinyaro laga soo uruuriyey dalalka islaamka ka dibna loo diray meeshay ka yimaadeen inay “diinta”ku faafiyaan.Guul weyn ayey ka gaareen in fikirka wahaabigu ku fido dunida islaamka,maantana ma jiro dal muslim ah oo aysan joogin in kastoo ay aad ugu badan yihiin dalalka saboolnimada,maamulxumada iyo dagaallada sokeeye ka jiraan sida dalkeenna iyo afgaanistaan.Dalkeenna waxay aad ugu faafeen burburkii qaranka ka dib.
Wahaabiyadu waxay qabaan in keligood muslimiin yihiin,ciddii ka aragti duwanna ay gaalo tahay dhiiggooduna bannaan yahay.Markay soo baxeen waxay gaalaysiiyeen dhammaan dunida muslimka meelihii gobolka Najd oo ay ka talinayeen mooyee.Waxay kale oo qabaan in xukunka keligood qabtaan si dadka loogu khasbo inay si xoog ah ku qaataan fikirkooda.Qofkii wax yar diinta wax ka bartaa si degdeg ah buu ku garanayaa inaysan waxani diin ahayn ee ay dhiigyocabnimo tahay,waxayna had iyo jeer awoodda saaraan inay carbiyaan dhalliyaro aad u da, yar oo si fudud looga dhaadhicin karo waallidooda.Dhallinyaradaas oo dayac iyo daryeel la,aan,shaqo la,aan iyo waxbarasho la,aani ay ku khasabtay inay raacaan cid kasta oo tamartooda iyo firfircoonidooda dardar gelisa.Musuqmaasuqa caadada u noqday hoggaamiyeyaasheenna siyaasadda oo aan wax xil ah iska saarayn dadkooda iyo dalkooda ayaa u fududeeyey kooxaha xagjirka inay duufsadaan dhallinyarada,una isticmaalaan sidii qarxayaal nool.Dhallinyaradaas ayaana la hubeeyaa,la tababaraa ka dibna loo diraa dagaalka ama cidda la rabo in la khaarajiyo sida maafiyada.Waxaa kale oo dhallinyaradaas loo diraa dadka la rabo in lacag baad ah laga soo boobo sida ganacsatada iyo xoolo dhaqatada.
Madaxda wahaabiyadu way ogyihiin in dagaalkoodu diin ahaan khaldan yahay,dhiigga dadkana aan Alle loogu dhawaanayn,waayo qof fayow waxaas ma aqbali karo.Waxayse iska dhaadhiciyeen inay tahay sida ugu dhaw ee ay xukun ku heli karaan.Ma kala jecla dhiigga dadka iyo nolosha carruurta ay waxa qarxa dhexda ugu xirayaan,umana aaminsana aakhiro iyo xisaab dambe si dhab ah,waayo qof taas aaminsani masaajid ama makhaayad laga buuxo ma qarxiyeen oo ma xasuuqeen boqollaal qof.Waxay ku riyoonayaan iyagoo sidii boqorradii cabbaasiyiinta waxay doonaan sameeya,hantida siday doonaan ugu takri fala,ninkay doonaan “waali”u magacaaba,boqol gabdhood oo laga soo qabsaday”gaalada”ay hareeraha ka fadhiyaan.Waxaanse idiin sheegayaa taasi dhici meyso Alle idankii,adduunkuna waa is beddelay oo maaha sidii 1200 sano ka hor.Waxa keliya ee aad ku guulaysanaysaan waa inaad sii dheeraysiisaan dhibaatada dalka,qaxooti ka dhigtaan dad badan,xoojisaan cadowga ummadda.Masoo marin dunida islaamka cadow ka weyn wahaabiyada,waayo waxay dadka kala dagaalayaan wax kasta oo horusocod ah,diinta islaamkana waxay ka bixinayaan sumcad foolxun.
In dadku isku khilaafo diinta iyo fikirka waa wax caadi ah,waana wax qayb ka ah sida loo abuuray aadamiga.Alle wuxuu ku sheegay Quraanka in dadku aysan marna fikir iyo diin ku midoobeyn,rususha Alle mooyee,Allena uu sababtaas darteed u abuuray;Haddii Alle dooni lahaa wuxuu dadka ka dhigi lahaa hal ummad(diin iyo dhaqan iskumid ah),kamana tegayaan inay is khilaafaan,kuwa Alle u naxariistay mooyee(Nebiyada),sidaas awgeed baana loo abuuray……(Huud 118-119)Taasi waxay ku suurtageli kartaa marka dadku xor u yahay fikirkooda.Sidaa awgeed qorshaha Alle ayaa ah in dadku xornimo ku caabudaan xornimona ku gaaloobaan,aakhirona lala xisaabtamo.Cid kasta oo isku dayda inay dadka diin ku khasabto Alle ayey ka hortimid oo ku qabsatay ilaahnimada,waayo Alle asagaa dadka u xoreeyey inay diintay rabaan ama mad-habtay rabaan qaataan.Aayadaha Quraanka ee xorriyadda diinta sugayaa waa ka badan yihiin 50 aayadood.Qofka wax diin ah lagu khasbaa Alle ma caabudin ee wuxuu cibaado u muujiyey cidda khasabtay.Muslimiinta waxaa loo banneeyey inay gaalnimo afka kaga dhawaaqaan haddii naftooda ay ku furanayaan,laakiin qalbigooda ilaaliyaan(Al-Naxal 106)Maxay tahay salaadda uu tukadey qof lagu khasbay inuu masjidka galo?Salaadda qofkaasi tukaday wuxuu u tukaday kan ku khasbay oo ilaahnimada sheegtay.Cibaadada Alle rabaa waa tan qanac iyo qalbi ka timid,qofkuna sameeyo isagoo aan cidna u jeedin,cidna ka baqayn.Muslimiintu waxay u qaybsantay mad-habado qarnigii 2aad ee hijrada,waxaana keenay qaybsan kaas arrimo badan oo ay ugu horreyso siyaasad iyo faham kala duwan oo Quraanka iyo axaadiista.Waxaana dadka badankiisu aqbaleen hadalkii qiimaha badnaa ee imam Alshaafici oo oranayey;aniga mad-habtayda ayaa ila toosan,waxaase dhici karta inaan khaldanahay,mad-habta iga soo horjeeddana way ila khaldan tahay,waxaase dhici karta in ayadu toosan tahay.Inkastoo marmar culimmadu is weerari jirtay oo qaarkood qaar kale gaalo ku sheegi jiray,haddana dhiigga lama bannaysan jirin marar dhif ah mooyee.Xanbaliyada oo ah mad-habta ugu qallafsan oo ku degdegi jirtay gaalaysiinta,inta badan dhiig ma daadin jirin.Gaalaysiinta iyo gacan-ka-hadalku waa astaanta qofka aan dood kale haysan ,aqoontiisuna aadka u gaaban tahay.
Aaydadda 159 Al-ancaam waxaa Alle nebiga(NNK)usii sheegay in dadku kala qaybsamayaan,cidda kala saaraysaana ay Alle tahay.Taa macnaheedu waxa weeye in qof kastaa Alle sidii ay isaga la noqoto u caabudo,lana is ixtiraamo, si wanaagsan oo nabad ahna loo wada noolaado.Cidina inay cid ku khasabto diinteeda/mad-habteeda waxay ka hor imaanaysaa ujeeddada Alle dunida u samaystay.
Kasoo qaad in wadaaddo shaaficiyo ah iyo kuwo maalikiya ah ay arrimo isku khilaafaan,Quraanka iyo axaadiistana si kala duwan u fahmaan,doodduna ka xumaato.Yaa u garnaqaya?Cidda u garnaqaysaa waa inay buuxisaa shuruudahan
b)Inaysan shaaficiyo iyo maalikiyo midna ahayn oo ay dhexdexaad tahay
t)Inay aqoon buuxda u leedahay arrinta la isku khilaafay,labada qolona ku kalsoon yihiin taas
j)In ay awood buuxda u leedahay fulinta garta oo muranku halkaas ku dhammaado
Cidda keliya ee shuruudahaas buuxin kartaa waa Alle Weyne,waana sababta aakhiro in dadka khilaafkooda lagu kala saaro dib loogu dhigay.
Wahaabiyadu waxay ku adkaysteen in iyagu kala saarayaan iyaga iyo cidda ay is hayaan,taasina waa garsoor aad u liita.
Sida Alle rabaa waa in masaajidyada mad-habadaha kala duwan ee muslimminta,kaniisadaha iyo meelaha diimaha kale ku cibaadeystaan isku garab yaalliin oo is nabad geliyaan,akhlaaqda wanaagsan oo aadmigoo dhan ka dhaxaysana ku wada falgalaan(eeg aayadda 8-9 ee Al-mumtaxinah).Magaalada Medina xilligii Nebigu(NNAK)joogey waxaa joogay muslimiin,mushrikiin,yuhuud,masiixiyiin iyo munaafiqiin.Cidna Nebigu(NNAK) kuma khasbin diintiisa.Waxaa kaloo Quraanku sheegayaa in Nebiga oo khudbaynaya dadku ka yaaci jireen markay maqlaan safarro yimid,cidna masjidka hortiisa ul lama taagnayn.Maanta waxaa la caddeeyey in labada dal ee dadka diinta lagu khasbo(Iiraan iyo Sacuudiga)ay ugu badan yihiin meelaha dadka ugu badani diinta ka baxayo.Aadanaha Alle ayaa karaameeyey,qofkii xornimada ka qaadana karaamadii Alle bixiyey buu qaaday.Xornimada naftiisa,diintiisa iyo caqligiisuba waa deeq Alle bixiyey,cid xaq u leh inay ka qaaddaana ma jirto.Ciddii taas isku daydana Alle ayey dagaal ugu bareertay.
Boqortooyada Sacuudiga iyo wahaabiyadu waxay ku saseen in dadkii ay wax bareen iyaga kusoo jeesteen,waxayna bilaabeen inay debciyaan hadallada iyo fatwooyinka gaalaysiinta iyo “jihaadka”,taasoo keentay in wahaabiyadu qaybsanto.Qaar jecel in loogu yeero salafiyo oo aan hubaysnayn ayaa soo baxay magacyo cusubna waa la baxeen.Kuwa Soomaaliya waxay la baxeen Al-ictisaam,waxaana ku ururay culimmada ugu waaweyn wahaabiyada Soomaaliya.Waa kuwii waxbaray Alshabaab soona saaray.Laakiin markii Sh.Shariif madaxweynaha noqday ayey sheegeen in “jihaadkii”dhammaaday,waxaana xigtey in Alshabaab qudhooda dil ku xukumeen.Waxaad arkaysaa ayagoo maalin bixinaya fatwooyin lagu xaaraamaynayo dhiigga muslimiinta,maalinta ku xigtana qolo kale gaalnimo ku xukumaya dhiiggoodana bannaynaya!Dad ka badan 30 qof oo lagu xasuuqay Gaalkacyo kuwo iyaga ka mid ah ayaa fatwooday gaalaysiintooda dhiiggoodana banneeyey.
Dhacdooyinkii 40kii sano ee u dambeeyey waxaan ka barannay casharro xanuun badan,waxayna ila tahay in la gaaray waqtigii aan fahmi lahayn in qolo kastaa Alle sida ay iyaga la tahay ugu caabudi lahaayeen,wanaag iyo nabadna loogu wada noolaan lahaa.Dhibaatooyinka dalkeenna haysta waxaa ugu weyn musuqmaasuqa,qarannimadiina soo noqon mayso haddii aan xal loo helin arrintaas.Culimmada ayaana laga rabaa inay arrintaa usoo jeestaan,sidoo kalena ayagaa laga rabaa in magaca diinta ee dhiigga dadka lagu daadinayo ay awooddooda saaraan,ee aysan shaqo ka dhigan gaalaysiin iyo cadowtinnimo cusub.
Wa Billaahi Altawfiiq
Q:CabdiRaxmaan C.Xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker