Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dhacdo ka mida Tacadiyadii ugu Xumaa ee Madaxwaynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen uu kula ka cay Kurdiyiinta

Masiibaa I qabsatay. Waxaan daawanayey hooyaday oo hortayda lagu dilayo. Awood aan ku badbaadiyo ma lahayn. Hadana waxaan arkay labadii hablood ee walaalahay ahaa oo iyagana la dilayo. Hooyaday iyo walaalahay oo keliya ma ahayne ehalkaygii oo dhan ayay dileen”

Dembiga ay galeen ee loo laynayey wuxu ahaa in ay Kurdiyiin yihiin waagaa Saddaam Xuseen Ciraaq ka talinayey.

Taymuur Cabdallah Axmed – oo erayadaa yidhi- ayaa si fiican u xasuusan dhacdada maalin ka mid ah bishii May 1988 oo isaga oo 12 jir ah dirqi kaga baxsaday geeri, in kasta oo maankiisa ay ku xardhan tahay.

Image captionXabaal wadareedada laga helay koonfurta Ciraaq waxa ku jira meydadka tobanaan qof oo Kurdiyiin ah oo Saddaam Xuseen laayey

 

“Meyd socdaan ahay. Qalbigaygu wuxu la dhintay oo uu xabaasha kula jiraa hooyaday iyo walaalahay” ayuu yidhi isaga oo BBC u waramaya.

Gacanta iyo dhabarkaa laga toogtay, laakiin gabal dhicii markii dhulku madoobaaday ayuu ka gurguurtay godkii lagu guray oo uu si mucjiso ah ku badbaadey.

Haatan waa 43 jir waxaanu BBC-da u mariyey sida layaabka leh ee uu u badbaaday iyo halganka uu ugu jiro inuu caddaalad helo.

Xasuuq

Tobankii sano ee la soo dhaafay xabaal wadareedyo ayaa laga helay dalka Ciraaq. Xukuumadda Ciraaq waxay sheegtay in ay tiradoodu kor u dhaaftay 70, oo 17 ka mid ahna la soo faqay.

Dabayaaqadii dagaalkii Iran iyo Ciraaq, ayaa Saddam Xuseen sameeyey guuto dadka gumaadda oo la odhan jiray “Al-Anfaal” oo dadka Kurdiyiinta ah ee ku noolaa woqooyiga dalka uu ku sii daayey.

Image captionSaddex god oo laga halay lafaha boqol qof iyo dheeraad oo isku caa’ilad ahaa

Ujeedadu waxay ahayd in la ciqaabo koox taageertay Iran iyo sidoo kale inuu baabiiyo hanka Kurdiyiinta ee ahaa inay ay maamul gaar ah yeeshaan.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay dadka ku dhintay xasuuqaa dawladda ee isir tirka ahaa in tiradoodu gaadhayso 100,000 oo qof oo saanaddii lagu laayeyna uu ka mid ahaa hubka kiimikada ahi.

Xogo Kurdiyiintu hayaan se waxay tirada gaadhsiiyaan intaa in ka badan oo ilaa 182,000 ah.

Image captionTaymuur wuxu yidhi qoyskan uu la fadhiyo ayaa noloshooda halis u geliyey si ay isaga u badbaadiyaan

 

Tuuladoodii

Taymuur si cad buu u xasuusanyahay sida jawiga tuuladii qoyskoodu deganaayeen ahaa bishii Abriil 1988-kii markii ay maqleen in ciidamaddii Saddaam ku soo maqanyihiin.

Image captionBaadheyaal Ciraaqiyiin ah oo soo faqaya xabaal wadareed

“Tuulooyinka ku yaal woqooyiga Ciraaq mid mid baa dadkoodii loo duubay.”

Wuxu xusuusanyahay in dhamaan dadka deganaa tuuladu ay ahaayeen tolkii oo badankoodu ahaa beeraley.

Tuuladaa Kulajo waxay ku taalay gobol buuraley ah oo aan dadku ku badanayn, “hadii aanu qofku deegaanka si fiican u garanayn muu garan karayn qofku meel uu u maro tuuladayadaa” ayuu yidhi Taymuur.

Image captionTaymuur wuxu yidhi laguma wargelin in la soo faqay xabaal wadareedda ay ku aasanyihiin hooyadii iyo walaalihii

Laakiin lama waayeyn Kurdiyiin diyaar u ahaa inay u adeegaan dawladdii Saddaam.

“Iyaga ayay ahaayeen (Kurdiyiintii dawladda u shaqaynayey) kuwa ciidamadii Ciraaq tuulooyinkayaga geynayey.”

Maalintaa la tagey tuuladooda bishii April ayaa tuulo dhan oo dadka degenaa ahaayeen 110 qof amar lagu siiyey in ay ka baxaan.

“Waxay yidhaahdeen: ‘waxaanu dadka u furnay xero cusub oo aad tagi doontaan oo aad si fiican ugu noolaan doontaan. Wax kasta way leedahay biyo iyo laydh tiriig ba”

Dadka qaarkood waxa lagu guray baabuur ciidan, laakiin Taymuur qoyskoodu waxay raaceen cagaf ay lahaayeen.

Kala soocii

Waxa loo qaaday xero ciidan oo ku taal Topzawa oo woqooyiga Ciraaq ah, halkaas ayaa raggii lagaga soocay oo inta dharkii laga saaray indhahana laga xidhay la kaxeeyey. Waa markii ugu dambaysay ee uu Taymuur aabihii Cabdallah Axmed arko.

Image captionTaymuur aabihii Cabdallah Axmed

Maalintaa kululayd ee bishii May, ayaa dumarkii oo dhan iyo caruurtii lagu guray saddex baabuur oo milatarigu lahaa oo shircan, waxaana dhawr saacadood loo waday dhinac aanay garanayn.

“Baabuurta dhexdoodu kulayl bay ahayd. Laba hablood oo yar yar baa oon iyo kulaylkii u dhintay” ayuu yidhi Taymuur.

Image captionXerada milatari ee Topzawa

“Waxay joogsadeen saxaraha badhtankiisa, markaas ayay biyo na siiyeen”

“Biyaha kiimikaa lagu daray, oo waan ku suuxnay. Indhaha ayey naga xidheen iyo gacmaha markaasay hadana baabuurtii nagu gureen.”

Toogashadii

Shan daqiiqo ka dib, baabuurtii waxay gaadheen halkay u socdeen.

Image captionTaymuur Cabdalla Axmed oo 13 jir ah

Markii shiraacii laga rogay wuxu arkay saddex god oo iska ag qodan, oo si fiican ay u qodeen cagafcagafyo.

“Waxaan arkay laba askari oo Ciraaqiyiin ah oo qoryo AK47 ah sita oo godadkii qodnaa guntooda eegaya”

Dumar iyo caruur xataa qaarkood bil keli ah jiraan ayaa baabuurtii laga rogay oo lagu daadiyey godadkii.

“Mar qudha uun baa askartii rasaas nagu fureen, waxay toogteen haweenay fool ahayd, caloosheedii rasaasi kala jeexday.”

Image captionNabaradda dhaawacii rasaastii ku dhacday kaga tageen

Taymuur gacanta bidix ayaa xabadi kaga dhacday, wuu argagaxay oo wax uu sameeyo muu garanayn.

“Wax dhintay baan iska dhigay. Rasaastu waxay ku dhacaysay madaxayga, garbaha iyo lugahayga agtooda. Dhulkii baa nala gariiray, meeshiina dhiig baa qulqulay.”

Taymuur laba goor baa xadbadi kaga dhacday dhabarka. Dhaawacii ilaa maantadan jidhkiisa wuu ku yaal.

“Inaan dhinto uun baan sugayey” ayuu yidhi.

Firxadkiisii

Taymuur wuxu rumaysanyahay in walaashiisii kale lagu dilay godkii ku xigay kii ay ku jireen.

Image captionSoo faqidda saddexdii xabaal wadareed midkood oo socota

“waxan markaa ahaa 12 jir, walaalahay ta weyni qiyaastii 10 jir labada kalena waxay malaha ahaayeen sideed jir iyo lix jir.”

Markii gabalku dhacay ee ay madoobaatayay ayay toogashadii joogsatay. Markii ay askartii tageen ayaa Taymuur godkii ka baxay.

Mar uu socdo iyo mar uu gurguurtaba wuxu istaagay taandho saxaraha ku taallay oo qoys Biduunka Ciraaq ahi deganaayeen.

“Maadaama oo ay halis ku galayeen hadii ay Isbitaal I geeyaan, waxay ii qaadeen dad daawo dhaqameed wax ku daweeya oo tuulo joogay, dhirtii ay i siiyeen ayaan ku bogsaday oo dhaawaciina ay iigu dhayeen” ayuu yidhi.

Image captionTaymuur wuxu yidhi qoyskan uu la fadhiyo ayaa noloshooda halis u geliyey si ay isaga u badbaadiyaan

Qoyskaa Ciraaqiyiinta ahi way garanayeen cawaaqibka dilka ah ee ay ku mudanayeen in ay wiil Kurdi ah badbaadiyaan, laakiin noloshoodii ayay halis u geliyeen isaga awgii.

“Waxan aqaanay nin ehelkayga ka mid ahaa oo ku jiray ciidanka Ciraaq. Isagii baan la xidhiidhay oo saddex sano ka dib ayaan tagey tuulo Kurdiyiin leeyihiin”

Laakiin kama dambaystii ayaa xaaladdiisii is bedeshay oo codsigiisii magangelyo doonka ahaa laga aqbalay.

“1996 ayaan tagey Maraykanka oo aan halkaa ka bilaabay gacansi isbeer-baadh ah oo aan ilaa haatan ka shaqaystaa,” ayuu yidhi.

Hawl culus

In ka badab 170 mayd lafahoogii ayaa laga soo saaray xabaal wadareedka uu Taymuur rumaysanyahay in ay tahay halkii ehelkiisa lagu laayey.

Image captionSaraakiishu waxay sheegeen in waxyaabiii dadkaa la laayey xidhnaayeen ay ka caawin karaan in la garto cidda ay ahaayeen

Saraakiisha Ciraaq waxay sheegeen in ay masuuliyadda maamulka Kurdiyiinta tahay in ay la xidhiidhaan ehelada dadkaa maydkooda la soo faqay.

“Way nagu adagtahay in aanu la xidhiidhno maydadkaa la helay mid walba ehelkiisii. Taymuur wuxu ku nool yahay Maraykanka waxa aanu doonaynaa in aan la xidhiidhno dadka dalkaa ku nool” ayuu yidhi Fawd Cisman Daaha oo ah af-hayeenka xukuumadda maamul goboleedka Kurdistan.

“Waa in aanu lafaha maydadkaa marka hore baadhnaa inta aanaan ku wargelin eheladoodii. Waxaan isku dayeynaa in aanu helno wax muujin kara caddayn lagu garto sida dharka ama waraaqaha aqoonsiga ee muujinaya in la garto halkii ay deganaan jireen.”

Wuxu sheegay in muunad hiddesidayaasha DNA ah laga qaadi doono lafahaas si baadhintaan kale loo geliyo ka dibna loo samayn doono tilmaan mayd kasta u gaar noqota.

“Marka aanu ogaanno halka ay joogaan ehalada dadkan la laayey ayaanu u ogolaan doonaa in ay maydka eheladooda u qaataan tuulooyinkooda oo ay halkaa ku aasaan”

“Waxaanu doonaynaa in dadkaa la laayey caddaalad loo helo. Laakiin shaqada wasaaraddayda ma aha in aanu daba galno dembiileyaasha dagaal. Waxaanu ururinaa caddaymaha oo waxaanu u dirnaa maxkamad gaar ah oo u xil saaran in ay xukun ku riddo ciddii lagu helo dembi.” Ayuu yidhi Daaha.

Caddaalad

Ilaa markii uu Taymuur ka soo noqday Maraykanka wuxu u hoydaa teendho yar oo uu ka dhistay saxaraha dhexdiisa, ujeedadiisuna waxa weeyi inuu ka joojiyo maamulka in ay qodaan xabaal wadareedkaas oo uu sheegay in maydkii hooyadii iyo walaalihii ku jiraan.

Image captionCali Xasan Al-Majiid oo loo yaqaanay Cali Kiimiko ayaa dil lagu fuliyey loogu xukumay dabiyo laga galay aadanaha iyo doorkii uu ku lahaa hawlgalladii Anfaal

“Halkan ayaan joogayaa. Waxaan doonayaa in aan ilaaliyo xabaashan.”

Taymuur wuxu sheegay in uu khaatiyaan ka taaganyahay dabciga siyaasiyiinta gobolkaa oo doonaya ayuu yidhi in ay sumcad ku helaan xabaal wadareeddo kale oo ay helaan.

“Xasuuqa Kurdiyiinta waa in la garawsadaa, waana ma huraan in dadkii dembigaa galay caddaaladda la horgeeyo.”