Xukuumadda Somaliland Oo Joojinaysa Khudaarta ka timaada meelaha ka baxsan Dalka

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaciyay markii ugu horeysay inay diyaarinayaan qorshe lagu lagu joojinaayo khudaarta ka timaada meelaha ka baxsan degaanada Somaliland .

 

War kasoo baxay kulan laba geesooda oo udhaxeeyay xukuumada Somaliland iyo ganacsatada khudaarta Somaliland ayaa lagu shaaciyay qorshaha lagu joojinaayo Khudaarta ka timaaada degaanada ka baxsan Somaliland.

“Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaarada horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed goobjoogna ku ahaayeen wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Sacad Cali Shire , xubno gudiya oo ka socday beeraleyda iyo ganacsatada khudaarta Wadanka gudihiisa kasoo go’da ,saraakiil ka kala tirsan wasaaradaha Horumarinta Beeraha Iyo Maaliyada ayaa lagu gorfeeyay khudaarta dalka dibadiisa katimaada iyo dhibta ay ku hayso beeraleyda dalka dalegyada kala duwan ee ay beeran” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay kulankaas.

 

Gudiga ganacsatada ayaa halkaasi ka sheegay in cashuurta laga qaado khudaarta dalka dibadiisa katimaada ka jabantahay ta laga qaado khudaarta beerahooda kasoo baxda.

 

 

Khudaarta Somaliland ayaa   looga qaadaa meelo ka mid ah Dalka Itoobiya Koonfurta Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker