Maxaad Kala Socotaa Xidhiidhka Iyo Maalgashiga Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Telefishanada Eryal Tv Iyo Horyaal Tv ?

Sida la ogyahay telefishanada Eryal Tv Iyo Horyaal TV waxa leh Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi (Muhanad) oo maalgeliya, Gudoomiyaha Eryal Tv Aadan Caydiid Cabdi waa Nin ay isku jufo-hoose yihiin kana masuula tv-ga Eryal , Agaasimaha Horyaal TV waa Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ahaa weriyayaashii Idaacaddii Kulmiye ee Radio Horyaal ee dalka Finland laga baahin jiray isaga, Xuseen Dhuxul iyo weliba ninkii dhintay ee Ina Dubad ayaana Hargeysa warka ka soo diri jiray iyagoo adeegsanaya PC yaalay guriga Axmed Siilaanyo ka deganaa magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Horyaal TV oo dhawaan hawada galay waa ninkii kala fogaynta Shacabka Somaliland, cayda iyo fadeexadaynta Xaaskii Daahir Rayaale ee Huda Barkhad ka sii deyn jiray Idaacaddaa isagoo tilmaami jiray labiskeeda iyo maryaha ay ku asturto Cawradeeda.

Horyaal waxa u fadhiya Yurubta galbeed oo fadhigiisu yahay U.K agaasime Ubaxle oo ay isku reer yihiin Mulkiilaha Maxamuud Xaashi iyo Agaasimaha Maxamed Cismaan Mire.

Wasiirkii hore Maxamuud Xaashi ayaa sidoo leh uga masuul ah Somaliland shirkadda duulimaadka ah ee alcarabiya (Air Arabia) , waxaa kaloo la ogsoon yahay inuu lunsaday hantidii shacabka somaliland gaar ahaan dadka danyarta ah cashuurtoodii iyo isagoo musuqmaasuqay lacagtii biyo-gelinya mashruucii xunbo-weyne ee Hargeysa , kana danbeeyey dilaal-nimada shirkadda Dp-world islamarkaasna samayastay shirkado yarayar oo lacagu baadho madaarka hargeysa.

Sidoo kale Waxaa Maxamuud Xaashi lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga ka danbeeyey inuu colaada deegaanada Ceelafweyn oo ilaa hadda degi la xaalkeeda aan la wada socono .

Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker