Maamlanmulka Puntland Oo Badhan Ka Hirgeliyey Doorasho Gole degaan + Maayar iyo Kuxigeenkiisa Doorashada kuguulaystey

 

Badhan(OWN) Maammulka Puntland ayaa markii ugu horraysey maanta waxay gudaha magaalada Badhan ee Sanaag-bari ka abuureen gole degaan oo kakooban 31 xubnood kuwaasoo isugu jira 9 xubnood oo haween ah iyo 22 xubnood oo rag ah.

 

Waxana isla galabnimadii maantaba golahan degaanka ee degmada Badhan oo golaha kufadhiyey 29 xubnood ay guda-galeen doorashada maayar iyo kuxigeenkiisa degmadaasi yeelanayso.  Waxana doorashada jagada maayarka oo ay ku tartameen laba xubnood oo ag ahi kuguulaystey Maxamed Axmed Timir oo saddex cod kaga guulaystey murashaxii la tartamayey. Sidoo kalena doorashada jagada maayar-kuxigeenka oo ay u tartameen lx xubnood ayaa wareeggii ugu danbeeyey waxa ku guulaysatey Xaawa Maxamuud Faarax oo laba cod kaga guulaysatey laba murashax oo wareeggii ugu danbeeyey ay isugusoo hadheen.

 

Waxana xusid mudan in golahan degaanka cusub ee degmada Badhan laba xildhibaan oo ah xubnihii kasoo jeedey beesha Xuseen Ciise oo kamid ah beelaha degaankaas kudhaqani aanay madashaas kasoo muuqan taasoo ilaa hadda aan si dhab ah loo ogayn waxa ay saluugtey beeshaasi, waxana kalfadhigan lagu dooranayey maayarka iyo kuxigeenkiisu uu qabsoomay iyadoo gebi ahaanba beesha Xuseen Ciise oo ah beesha uu kasoo jeedo maayar-kuxigeenka Somaliland ugu magcaaban degmadaas Axmed Cabdi Nuur ay meesha ka  maqan yihiin.

 

Dhinaca kalena maayarkan cusub ee golaha degaanka Puntland u doorteen degmada Badhan ee Sanaag-bari ayay isku jifi hoose yihiin Badhasaabka dhowaan Somaliland usoo magcawday gobolka Badhan ee Sanaag-bari Maxamuud Xaammud Cumar.

 

Sikastaba ha ahaatee waxa maalmihii ugu danbeeyey gudaha magaalada Badhan kusugan Wefti kasocda Maammulka Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Max’ed C/raxmaan Dhabancad ayna weheliyaan Wasiirka Amniga C/samad Gallan, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Haweenka & Arr Qoyska, Taliyaha guud ee Ciidammada Puntland, Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta , Wasiir-kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha & Dhallinyarada, Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha iyo weliba Xildhibaanno Baarlamaanka Puntland oo degaannadan kasoo jeeda, weftigan culus oo u muuqda kuwo siweyn wax uga beddeley siyaasadda bulshada degaankaas kudhaqan oo xilligan la odhan karo intooda badan degaannada Sanaag-bari iyo bulshada kudhaqani siyaasad ahaan waxay gacanta ugu jiraan Maammulka Puntland.

Oodweynenews.com/Badhan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker