Abwaan Yuusuf Cabdile Cismaan Shaacir ayaa xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey inay ku kacday fal ka soo horjeeda diinta suuban ee islaamka

Abwaan Yuusuf Cabdile Cismaan Shaacir ayaa xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey inay ku kacday fal ka soo horjeeda diinta suuban ee islaamka iyo dhaqanka bulshada somaliland.

Image result for xarunta dhaqanka hargeysa

 

Yuusuf Shaacir ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbiyey xarunta dhaqanka Hargeysa ee uu eedaynayo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ” Kulankaasi wuu jiray waxaanu ahaa arin ku cusub dalka, dadka iyo diintaba waxaana hal ku dhag looga dhigay “maalinta fayadhawrka caalamiga ah ee caadada dumarka” markaan sii galay boga ay ku leeyihiin Facebook waxa ku sii qoran qoraale kale oo ah aynu jabino darbiga ka hadal la,aanta caadada dumarka, waana wax inagu cusub in waxyaabo dumarka khuseeya sidaa looga hadlo, waxaynu ognahay oo diinteenu si asturan oo qiime leh uga hadashay arintaas laakiin in xaflad loo sameeyo oo la yidhaa maalin gaara ayaa lagu xusayaa waa wax cajaayiba oo hada inagu soo kordhay, aniga oo kaliyana maaha ee waa la arkay sida ay bulshadu uga jawaabtay.”

 

Abwaan Yuusuf Shaacir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu dacwad ka dhan ah xarunta dhaqanka ee Hargeysa gaadhsiiyey hay’addaha dawlada ee ay khusayso arintoodu waxaanu yidhi “Anigu meelo badan ayaan u gudbiyey, wasaaradihii ku shaqada lahaa waan u gudbiyey sida wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta, wasaarada diinta iyo awqaafta, guddiyada anshaxa ee labada gole, cidii kale ee ay khusayso sida guddida wanaag farista waxaanu u gudbinaynaa, madaxweynaha laftirkiisana waxa uu ku dhaartay inuu ilaalinayo dalka, diinta iyo dadkaba, qodobadii uu ku dhaartay ayaanay ka mid tahay oo laga soo galay waana diintii iyo dhaqankii, waxaanan kula talinayaa inuu talaabo ka qaado ayaan fariin ugu dirayaa, kana hadhi mayno oo intii awoodayada ah waanu riixaynaa arintaas.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker