Fannaanad ku Dhimatay Bulaleyr Lagu Qarxiyay Munaasibad Ay ka Heesaysay.(Sawiro)

Fannaanad u dhalatay waddanka Spain, oo qaadda heesaha loo yaqaanno pop-ka ayaa geeriyootay ka dib markii uu ku dhacay blue laydh  kuna  qarxay goob ay ka socotay munaasabad ay si toos ah uga heeseysay.

 

Joana Sainz Garcia oo 30 jir ah ayaa xilligaas ka qeyb galeysay bandhig ay sameynayeen kooxda ay ka tirsan tahay oo lagu magacaabo Super Hollywood Orchestra.

Ms Sainz, oo kasoo jeedda magaalada Santander, ayaa lagu soo warramay inay ahayd shakhsiga ugu muhiimsan ee ku jiray kooxda Super Hollywood Orchestra.

Bulaleyr loogu tala galay masraxa ayaa ku qarxay meel u dhow halkii ay taagneyd fannaanadda, waxayna isla markiiba gashay koomo ama xaalad miyir beel ah, iyadoo markii dambena ku geeriyootay isbitaal loola cararay.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa durba isbitaalka ula cararay Ms Sainz, halkaasoo ay markii dambe ku geeriyootay.

Qiyaastii 1,000 ruux ayaa daawaneysay bandhigga ay fannaanadda ka heeseysay, oo ka socday magaalada Las Berlanas, oo dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Madrid.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker