Kenya oo shaacisay dalka laga maalgeliyay weerar ay Al-Shabaab ku qaadey huteel ku yaala Nairobi

Warbaahinta maxaliga ah ee waddanka Kenya ayaa qortay macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab bishii June ee sanadkan 2019-kii ku qaaday huteelka DusitD2 ee magaaladda Nairobi, caasimadda Kenya.

Dhacdadaasi oo ay fuliyeen dabley tiradooda lagu sheegay shan kuwaasi oo afar kamid ah la toogtay midkoodna uu is-qarxiyey ayaa waxaa ku naf-waayey 26 oo ay ku jiraan ajaaniib u dhalatay Mareykanka iyo dowlado kale.

Wargeyska The Standard ayaa shaaciyey in weerarkaasi lagu maal-geliyay aduun lacageed dhan in ka badan 23 milyan oo dollar-ka Mareykanka, taasi oo ka timid ganacsade u dhashay waddanka Koonfur Afrika.

Jaraa’id ayaa tilmaamay in baareyaal u dhashay Kenya ay ku sugan magaaladda Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika, halkaasi oo ay rumeysan yihiin in ay tahay meesha ugu badan ee laga soo diray lacagtaasi.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa rumeysan in lacagtaasi si qayb-qayb ah loosoo diray, isla markaana mar loo diray Soomaaliya, kahor inta aanan si guud ahaan loogu soo wareejin dableyda qaadey dhacdadaasi.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in lacagtaasi loogu soo diray Xawaalado iyo Bankiyo maxali ay u adeegsadeen kiradda guryo, iibsashada hubka, diyaarado aan duuliye lahayn iyo baabuurka ay ku tageen huteelka.

Hay’adda Sirdoonka Kenya ayaa aaminsan in baaritaankooda kiiskan uu dabaha u raaxi doono in ay burburiyaan shabakad balaaran oo dhanka maal-gelinta weerarada waddankaasi u qaabilsan kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegaa in ay dhaqaalaha ka hesho dhinacyadda; canshuuraha ay ka qaado gudaha Soomaaliya, dhoofinta dhuxusha, qurba joogta iyo ganacsiga sharci daradda ah ee isaga kala gudba xuduudaha labada dal.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker