Hindiya oo dooneysa inay dib u eegto ballantii ay ku qaadday inaysan Nuclear isticmaalin

Wasaaradda gaashaan-dhigga ee dowladda Hindiya ayaa dhawaan sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto ballantii ay horay u qaadday, oo ahayd inaysan isticmaali doonin hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka.

Dhawaaqan ayaa sare u sii qaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, oo daris la ah, isla markaana sidoo kale ku hubeysan nuclear.

Arrintan ayaan si guud khatar u galin karta Koonfurta qaaradda Aasiya, oo ay qeyb ka tahay dowladda Shiinaha.

Wasiirka difaaca ee Hindiya, Rajnath Singh, ayaa xaqiijiyay in waddankiisu uu qiimeynayo sidii uu uga noqpon lahaa ballanta muddada dheer taagneyd ee ay horay u qaadeen, taasoo ah “inaysan noqon doonin waddanka ugu horreeya ee dagaal u isticmaala hubkaas musiibada weyn sababi kara”.

Hase ahaatee waxaa su’aal la iska weydiinayaa goorta ay Hindiya si rasmi ah usoo afjari doonto ilaalinta ballantaas, taasoo ka dhigan inay hubka nuclear-ka isticmaali karto xilligaas wixii ka dambeeya.

.Lahaanshaha sawirkaHINDUSTAN TIMES
Image captionHindiya ayaa nuclear tijaabisay sanadkii 1998-kii

Mr Singh oo warbaahinta la hadlayay ayaa su’aashaas uga jawaabay in Hindiya ay ka fiirsaneyso go’aanka ay ku baddaleyso ballanqaadkeedii hore, marka ay tallaabadaas qaaddana ay wax walba ku xirnaan doonaa xaaladaha soo wajaha.

Wuxuu si sarbeed ah u sheegay in Hindiya ay mar walba noqon karto waddanka ugu horreeya ee nuclear adeegsada, markii ay dagaal gashana uusan jirin wax ka hor-istaagi kara inay isticmaasho hubkaas wax gumaada.

Hadalka kasoo baxay xukuumadda Delhi ayaa yimid xilli dhawaan ay dowladda Hindiya isbaddal ku sameysay maamulkii gobolka Kahsmiir, gaar ahaan qeybta ay iyadu maamusho.

Tallaabadaas ayaa horay u sababtay inay falcelin sameyso dowladda Pakistan, maadaama ay labada wadan ku muransan yihiin milkiyadda gobolka Kashmiir.

Delhi oo hubkeeda nuclear-ka tijaabisay sanadkii 1998-kii ayaa noqotay waddankii labaad ee wacad ku mara inuusan nuclear adeegsan doonin, wax walba oo dhaca.

Shiinaha ayaa horay u qaaday ballantaas.

Hindiya iyo Pakistan – oo labadoodaba heysta hubka sida ba’an wax u gumaadi kara ee nuclear-ka ayaa horay gobolka Kashmiir awgiis ugu dagaallamay 2 jeer, isku dhicii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa weerarro loo adeegsaday gantaallo xiriir ah oo dhacay bishii Febraayo.

Muxuu gobolka Kashmiir muranka u sababayaa?

.
Image captionLabada waddan ayaa gobolkan sababtiisa horay ugu dagaallamay

Gobolkan ku yaalla buuraleyda Himilaya ayey labada dalba sheeganayaan milkiyaddiisa, balse wuxuu mid walba ka maamulaa qeybo kaliya.

30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhanka ay Hindiya gacanta ku heyso ka dhacayay weerarro ay fulinayeen kooxo xagjiriin ah.

Hindiya ayaana Pakistan ku eedeysay inay soo qalabeyso xoogagga weerarrada geysta, inkastoo Islamabad ay beenisay dhaliishaas ayna sheegtay inay taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhiirrigalin oo kaliya siiso dadka reer Kashmiir ee doonaya inay iskood isu maamulaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker