Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Ka Dareen Celiyey Dadweyne Cabasho Ka Muujiyey Dawladda Hoose Ee Hargeysa & Jawaabta Dawladdu Ka Bixisay

Ganacsatada dan’yarta ah qaarkood ee ku ganacsata Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargeysa ayaa cabasho ba’an ka muujiyey amar ay dawladda hoose ee Hargeysa dul dhigtay oo ay kaga rarayso goobihii ay degenaayeen oo laga dhisayo Hangar.

Ganacsatadaasi ayaa cabasho ku aadan amarka Dawladda hoose waxay u gudbiyeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani, sidaasi awgeedna Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyadaasi ayaa isla shalay ba booqday Suuqaasi oo ka dareen celiyey, halka Masuuliyiin ka kala tirsan Dawladda Dhexe iyo Dawladda hoose ay iyaguna halkaasi ka hadleen.

Ugu horreyna, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Mudane Yuusuf Keyse, ayaa ka dareen celiyey cabashada dadka ku ganacsada Suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi, “Saaka ayaad noo timaadeen oo waanakaa ka soo jawaabnay oo xaaladdiina waanu aragnay oo waxa ALLE mahadii ah Ciidankii Booliska iyo Dawladdii hoose na way inala joogaan oo way ina daawanayaan oo waa sharci in Xisbiyada Mucaaridku ay tabbashada dadka ka hadlaan, waxaanan leeyahay dadkaa aad xidheen ee sifaha xaaraanta ah ku xidheen faraha halaga qaado oo hala soo daayo oo meheradohoodii ha yimaadeen”. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Sifo Nabadgelyo ah ayey wax ku rabaan oo waxay geeyeen Wasaaradda Hawlaha guud, Badhasaabka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madaxtooyada oo waxay intaasi oo dhan u tegayaan waxa weeyi in la ilaaliyo xuquuqdooda sharci ee Dastuurka iyo Xeerarka dalku siiyeen, markaa waxaanu leenahay intaasi hay’adood ee ay u gudbiyeen iyaga ayaa xukunka hayee wax haka qabteen, haddii kale waxay ku kelifaysaa inay xukunkii gacanta ku qaataan”.

 

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Ucid Md Jiir Cali Madoobe ayaa isaguna farriin u diray Xukuumadda Somaliland, “Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska in la soo kala dhex galo Ummadan Masaakiinta ah ee Suuqa Gobonimo degan iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo runta loo kala sheego ciddii khaldan”.

 

Dhinaca kalena, Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa isaguna goobtaasi ka hadlay waxaanu yidhi, “Haddii uu Cashuur bixiye yahay waxa loo dumiyaa waa khalad, waxaanad moodaa in kala sareyn billaabantay oo la doonayo in dad dheregsan oo hangaro waa weyn intay sameysteen Bisadaha iyo Eydu ku dhaleen oo haddana la doonayo in looga qaado inta kalena kuwii ku shaqeysanayey”. Siyaasi Cantar waxa uu intaasi ku daray, “Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose ba Masaakiinta ay dooneyso inay magansato arrintooda oo ay boobaan oo ay doonayaan inay dhaqaale ka sameeyaan waa xaaraan ee Ummadda ha isku soo jeedina oo laba boqol oo meheradood oo Bacadle, Rayiisle, Caanaley ayaa la xidhayaa”.

Ugu dambeyntii, Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isaguna goobtaasi booqday ayaa ka warramay ujeedada hawlgalka Dawladda Hoose waxaanu yidhi, “Qaybtii saddexaad ayaa la dhisayaa si dan’yarta kale ee meesha degani uga qayb qaadato, markaa saaka ayey shaqadii ka billaabantay oo waan u mahadnaqayaa intii furfuratay inta kale ee tidhi maanu ogeyna saddex cisho ayaanu siinay, iyadoo isla burrito uu dhismuhu billaabmayo, markaa waxaan leeyahay dadweynaha wax wanaagsan ayaanu idiin sameynaynaa oo kuwii hore ee lahaa way iibinayaan waa kuwaa idiin dhisan ee ay fadhiyaan intii cadceeda fadhiday, markaa intiina kale ee hadda Cadceeda fadhidaana haddii ALLE yidhaa halkaasi ayaad geli doontaan”.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Naasir Caydiid ayaa isaguna waxa uu farriin u diray dadweynaha ku ganacsan jiray goobtaasi, “Waxa la rabbaa dadkii qaatay kaadhadhka ee ku guuleystay bakhtiyaa nasiibkii lagu qabtay Guuleed Hotel ee ahaa ilaa boqol iyo dhawr iyo toddobaatanka qof, waana dadkaasi kuwa meesha loo sameynayo ee galayo ee ha moodina inay intaasi oo keli ahi galeyso ee inta kale ee soo hadhayna way gali doonaan, markaa wax loo baahan yahay in dadweynow dawladda aad la shaqeysaan oo si dhakhso ah u furfurataan si uu dhismuhuna u bilaabmo oo uu u dhammaado”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Arrimaha Guduhu

 

Hargeysa-Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker