Wasiirka isgaadhsiinta Somaliland oo ku Fashilmay Soo-Afjarista Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley oo loo Xilsaaray iyo fadeexado Soo if-baxay

Hargeysa (OWN)- Wasiirka Wasaarada Isgaadhiinta Iyo Technolajiya Somaliland Dr Cabdiwali sheikh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo ah masuulka Xukuumada dhexe u matala gobolka Gabiley ayaa dhawaan isaga oo ay weheliyaan xubno Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada ay galeen dhex dhexaadinta khilaafka golaha Deegaanka Gabiley oo xiligaasi sababay in xabsiga la dhigo lix xildhibaan oo kamida golaha deegaanka Gabiley, balse markii dambe lagu siidaayay dhex dhexaadinta Wasiirka Isgaadhsiinta iyo xubnihii weheliyay.

Sidoo kale, Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Isgaadhsiinta oo magaalada Gabiley shir jaraa’id ay ku wada qabteen gudida uu hormuudka ka yahay, Maayirka Gabiley iyo Xildhibaano kamida kuwii khilaafku u dhexeeyay Maayirka halka ay goobta ka maqnaayeen shan xildhibaan oo kamida kuwii gudidu isku xil saartay xalinta khilaafkooda oo Afar kamid ahi yihiin Xildhibaanadii xadhiga laga soo daayay.

 

Wallow uu wasiirka Isgaadhtiisu shaaciyay in la soo afjaray khilaafkii golaha Deegaanka Gabiley, isaga oo uu ku lamaanaa Xildhibaan Cabdilaai Black oo isna ah mudanaha Baarlamaanka u matala gobola Gabiley ee ku abtirsada Xisbi Xaakimka Kulmiye.

 

Wasiirka ayaa marna aan hadalkiisa ku darin in ay jiraan Xildhibaano diiday heshiiskan taasi oo markii shacabku daawadeen warkan iyo xaqiiqada jirta abuurtay dareeno kala duwan .

Xildhibanaada ka soo horjeestay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka Gabiley ayaa kala ah:

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Faarax

Xildhibaan Maxamed Aamin Cali

Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed (Dhagjar)

Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor.

 

Go’aanka Uu shaaciyay Wasiirka Isgaadhsiintu iyo xaqiiqada xal u helida khilaafka golaha deegaanka Gabiley ayaa noqotay Mid daboolka ka qaaday in xubnahani ku fashilmeen dhamaystirka arinta, iyadoo dhanka kale bulshada tustay awooda siyaasadeed ee Wasiirka,

 

Wallow Uu ku weheliyay sheegista arintan Xildhibaan Cabdilaahi Black oo shacabka reer Gabiley iyo Deegaanadii laga soo doortayba ogyihiin waxa u galo iyo waxa uu gudo saamayna aanu ku lahayd xataa beeshii soo doortay.

 

Xubnahan xukuumada ka socday ee ku guuldaraystay in si rasmiya ay u xaliyaan khilaafkan iyadoo dhanka kale Xildhibaanada diiday heshiiska ay isku jufo hoose yihiin Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Xildhibaan Cabdilaahi taasi oo iyana guuldaro siyaasadeed ku ah xubnahan, in ay shantan Xildhibaan Ay ku qancin kari wayaan waxa ay ku qanciyeen lix Xildhibaan oo kamida garabkoodii oo iyagu aqbalay heshiiska iyo sidoo kale Maayarka Gabileyba . taasi noqonaysa talaabo dhaawac ku ah siyaasada uu gobolka horjooga ugu yahay wasiirku.

 

Gobolka Gabiley oo kamid ah goboladii sida wayn u taageeray guushii Madaxwayne Biixi ee Doorashada ayaa wakhtigan waxaa xukuumadiisa gobolka u matala Wasiirka Isgaadhsiinta oo aan wax bada ka fahansanayn siyaasada dalka islamarkaana aan wax saamayn ah ku lahayn gobolka Gabiley oo wakhtigan laga dareemayo guux mucaaridadeed saluugna ka qaba hanaanka Madaxwayne Biixi wax u wado iyo saamiga uu ka siiyay Xukuumadiisa marka loo eego dhigooda jufadiisa hoose Madaxwayne Biixi iyo kuraasta uu ku taxay oo sedex jeer ka badan kuwa uu siiyay gobolka Gabiley.

 

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa mudadii uu xilka hayay markii ugu horaysay galay arin ka taagan gobolka uu xukuumada u matalayo,taasi iyana uu ku guuldaraystay dhamaystirkeeda waxayna talaabadani daliil u noqonaysaa kartida Wasiir Cabdiwali oo sababi karta in Xukuumada Madaxweyne Biixi ka faro baxaan shacabka taageerada badan u hayay ee reer Gabiley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker