Wasiir Sacad cali shire Ma waxa uu Noqday Masuulka Qudha ee uu Aaminsan yahay Madaxwayne Muuse Biixi ?

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu mar kale
Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire u xilsaaray inuu ku sime ahaan
masuul uga sii noqdo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

 

ka dib markii uu wasiirkii arrimaha Debedda Mr. Yaasiin Xaaji Faratoon uu  muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad Cali Shire uu wasaarada  khaarajiga u sii ahaan doono ku sime, laakiin warar soo baxaya ayaa  sheegaya in Wasiir Sacad uu maalmaha qaar wasaaradda fadhiisan doono .

Laakiin 28 Julay ayaa la arkay Wasiir Sacad Cali Shire oo madaxweyne Biixi.

kala qayb galay kulan uu la yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay Danjire James Swan oo socdaal ku yimid Hargeysa, waxaanay
kulankaas ka dib Wasiir Sacad iyo ergayga Qaramada Midoobay ay si wada jir ah  shirjaraa’id ugu qabteen xarunta madaxtooyada,

 

waxaana maalintaas soo
baxay su’aalo la iska weydiiyay doorka Wasiir Sacad ee arrimaha dibadda.
Wasaaradan khaarajiga ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime
guud, waxaana xusid mudan in Wasiir-xigeenku uu danjire James Swan
maalintaas soo dhaweeyay, kana qayb galay kulanka madaxtooyada, balse
aanu haddana la qaban kulankii saxaafadda loogu tallo galay.

 

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bishii June waxa la ogaaday in Madaxweyne
Biixi uu ku sime ahaan ugu asteeyay wasaaradda qorshaynta oo uu
wasiirkeedii Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad
loogu qaaday dalka dibadiisa, iyadoo ay wasaarada qorshayntu leedahay
wasiir-xigeen iyo agaasime guud.
Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu la xidhiidhay Wasiirka arrimaha
dibadda Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, oo uu weydiiyay
jiritaanka warkan, waxaanu si kooban u yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka
maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran,

 

markaas haddii uu
Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka
Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku
xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland
Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasiir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo  Wasaaradda Arrimaha debedda Waxay Tani Daaha ka faydaysaa inuu Madaxwaynuhu rabo inuu Xilal badan ku Ururiyo Masuul qudha ,

.
Hase yeeshee Wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire oo uu Geeska Afrika
isna isku dayay inuu wax ka weydiiyo warkan ayaanay U  suurtogelin.

 

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa muddo sannado ah wuxuu wasiir ka soo noqday
labadan wasaaradood ee qorshaynta iyo Arrimaha debedda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker