Heshiis xardhanihii beesha sacad muuse ee Shirkii Hoodaale waxa ku jirey 5 qodob oo aan warbaahinta loo soo bandhigin ….

Ugu horeyn waxan xukuumadda uu madaxweyne muuse biixi gadhwadeenka ka yahay ugu baaqayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso gaadiidkii
Ay kala wareegtay beesha Biciido,
Sida ay beesha biciido ku sheegtay xafladii ay gaadiidkan iyo hub kaleba ku wareejinaysay,waxay beeshu caddeysay in aaney ciidan beeleedka u sameysan Qaranka Somaliland, balse uu ahaa mid ay iskaga difaaceysay beeshu cadow kaga soo duulayey dhinaca Buntiland,taasi oo ay
Ula jeeday Jabhadda Caarre,waxa aynu ognahay in beesha biciido markii ay hubkeedii xukuumadda ku wareejisay in jabhaddii Caarre iyo beeshiisiiba ay weerar ku soo qaadey deegaanka Ceelafweyn,halkaasna ay ku dileen 7 qof kuwo kalena lagu dhaawacay, kadib markii hubka dhigis lagu sameeyey beesha biciido,waa arin aan la qaadan karin in laba
Beelood oo dirir u dhaxayso midna hubka dhigis lagu sameeyo,midna la yidhaa Dastuurkii Garxajis ee Shirkii gacan libaax
Ayaa dhigaya in aan Caarre iyo ciidankiisa
Loo soo gacan galin xukuumadda somaliland waa sida uu sheegay Boqor Faysal oo isaga oo xajka ku sugan,
Xukuumaddu haddii ay dayacday in ay sugto Ammaanka beesha Bariga burco ee
Ay hubka ka dhigtay islamarkaasna ay hub ka dhigis ku sameyn weyday Beesha kale ee uu caarre ka soo jeedo,
Waxa nala gudboon haddaanu nahay beelweynta ay xulufada yihiin ee habar awal, gaar ahaan Sacad muuse in aanu Qaadano Qaar ka mid ah Go’aannadii Ka soo baxay Shirweynihii Beesha sacad muuse ee Hoodaale ee ka Qabsoomay Degmada Agabar, qodobada shirkaasi ka soo baxay oo aanu sagaal qodob oo qudha u soo bandhigney saxaafadda,
Waxa jiray toddoba qodob oo kale oo beesha u gaar ahaa oon Mediyaha loogu talo galin,
Waxa ka mid ahaa qodobaddaasi, haddii Beesha bariga burco Ammaankeeda ay halis galiyaan Cadow gudaha iyo dibaddiisaba islamarkaasna xukuumadda jirtaa ay ka gaabiso sugidda Ammaanka muwaadiniinta ku abtirsata beesha bariga burco iyo hantidoodaba in ay waajib ku tahahay beesha Sacad muuse qorshe kasta oo lagu difaacayo laguna badbaadinayo beesha ay xulufada yihiin,
Waxa kale oo ka mid ahaa Qodobaddasi,
In haddii beeshu ku guuleysato hogaaminta dalka ay ka ilàaliso beesha Garxajis cid ka soo jeedaa in ay qabato boosaska Muhiimka ah,
Waxa kale oo ka mid ahaa qodobadaasi haddii beeshu ku guuleysato hogaaminta dalka in Taliyaha Guud ee ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Maaliyaddu ay gacanta beesha habar Awal ku jiraan, cid kalena aan loo dhiibi karin, hadaba iyada oo ay jiraan qodobadaasi iyo kuwo kale oo kasii culus aanan halkan ku soo bandhigi karin,
Waxan xukuumadda u sheegaynaa in hubka iyo gaadiidka laga qaadey beesha Biciido uu yahay Hanti ay Jeegaantu leedahay,dilka iyo khasaaraha biciido loo geystaana uu yahay mid loo geystay Beelweynta Bariga iyo Galbeedka Somaliland,
Sidaas darteedna xukuumadda looga fadhiyo in ay ugu horeyn Hubka dhigis bilaa shuruuda ku sameyso caarre iyo Jabhaddiisa,
Haddii kale ay dib ugu celisa beesha biciido Gaadiidkii laga Qaadey.

Wabillaahi towfiiq
By kolaneyl Giirre

xanaan18@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker