Oodweyne News - Latest Somali News Update

Go’aankii lagu laalay Heshiiskii Saddexda Xisbi – Sharci mise Sharcidarro? W/Q. Garyaqaan: Xuseen Shabeel Cabdillaahi

Saddexda xisbi qaran ee Soomaalilaand waxa ay gaadheen heshiis;Tr.27/7/2019; looga gol lahaa soo afjarista muran culus oo siyaasi ah. Murankan ayaa la xidhiidhay qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, iyada oo uu si gaar ahna salka ugu hayay saamiga xisbiyada mucaaradka ah ee tirada xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ay sababtay saluug ay ka qabaan (mucaaradku) dhex ahaanshaha iyo madaxbannaanida Komishanka. Heshiiskan waxa saxeexay guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADANI iyo KULMIYE oo uu metalayay Madaxweynaha JSL. Waxa lagu saxeexay madaxtooyada qaranka, iyada oo ay madashaas goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka.
Heshiiskaas oo siddeed qodob ka koobnaa waxa uu u dhignaa sidan:
1. Saddexda xisbi qaran waxa ay ku heshiiyeen mooshin lagu kordhinayo in xubnihii guddida doorashooyinka qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo golaha Wakiillada si ay wax-kabeddel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka doorashooyinka golaha deegaanka iyo madaxtooyada (Xeer Lr.20/2002), kaas oo wax-kabeddel lagu sameeyay 15/09/2012, Qodobka 11aad, faqraddiisa 1aad, xarafka (a) iyo faqradda 2aad, xarafka (b), ka hor 08/08/2019.
2. Mooshinka waxa gudbinaya ugu yaraan 11 xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan golaha Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda saddexda xisbi qaran.
3. Xisbiyada qaranku waxa ay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan waxka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiska saddexda xisbi qaran, inta ka horraysa 01/09/2019.
4. Haddii wax-kabeddelka qodobka 1aad ee heshiiska ay ansixin waayaan golaha Wakiilladu inta ka horraysa 01/09/2019, waxa saddexda xisbi qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo golaha Wakiillada ee cusub, kadib doorashada.
5. Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida doorashooyinka qaranka sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka golaha deegaanka iyo madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee waxka-beddelka lagu sameeyay 15/09/2012, qodobka 11aad, faqraddiisa 1aad iyo 2aad, haddii golaha Wakiilladu ansixiyo waxka-bedelka Xeerka, xubnaha Guddida doorashooyinka qaranku waxa ay noqonayaan 9 xubnood, haddii golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida doorashooyinka qaranku waxa ay noqonayaan 7dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka doorashooyinka, ugu danbayn 01/09/2019.
6. Hannaanka soo xulidda xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka waxa loo raacayaa kala horraynta ku xusan Xeerka doorashooyinka golaha deegaanka iyo madaxtooyada (Xeer Lr. 20/2002) ee waxka-beddelka lagu sameeyay 15/9/2012, qodobka 11aad, faqraddiisa 2aad.
7. Saddexda xisbi qaran waxa ay si wadajir ah u soo jeedinayaan in xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15/10/2019.
8. Saddexda xisbi qaran waxa ay isku raaceen:
a) In Guddida doorashooyinka ee imika xilka haysaa ay diyaariyaan diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo in ay Guddida doorashooyinka qaranka ee cusubi ay qabtaan diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada.
b) In ay hawlgalaan Guddidii saddexda xisbi qaran ee magacawnaa ee ka koobnaa 15 xubnood, si joogto ah oo wadajir ahna uga hawlgalaan hawlaha qabsoomidda doorashada.
Dhanka xisbiga Kulmiye waxa u saxeexay Madaxweynaha JSL, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Dhanka Xisbiga Waddani waxa u saxeexay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Dhanka Xisbiga UCID waxa u saxeexay Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali-Waraabe.
Heshiiskan qodobkiisa labaad waxa uu waajibinayaa in ay golaha Wakiillada mooshin u gudbiyaan 11 xildhibaan ama in ka badan oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi qaran.
Haddaba iyada oo la dabbaqayo qodobka labaad ee heshiiska ayaa mooshin ay wada saxeexeen 15 xildhibaan oo ka kala tirsan saddexda xisbi qaran u gudbiyeen golaha Wakiillada 06/08/2019, si loo ansixiyo heshiiska saddexda xisbi qaran wada saxeexeen.
Halkii laga sugayay in mooshinkaa heshiiska ay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaran la soo hordhigo gole weynaha, laggana doodo, oo cod loogu qaado gole ansixiyo ama diidida mooshinkan, ayuu la-taliyaha sharci ee golaha baarlamaanku soo saaray qoraalka summaddiisu tahay (Ref: GW/G/22/90/2019) ee ku taariikhaysan 17/08/2019 oo uu ku sheegay in mooshinka heshiiska saddexda xisbi uu buray oo aanu waafaqsanayn xeer-hoosaadka golaha Wakiillada, Qodobkiisa 43aad, faqraddiisa 2aad, oo u dhigan sidan:
“Lama furi karo mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo ama uu mooshinku khuseeyo uu goluhu ka dooday isla kalfadhigaas”
La-taliyuhu waxa uu u cuskaday in isla kalfadhigan 40aad ee goluhu ku jiro uu hore uugaga dooday nuxurka uu sido mooshinkan lagu codsanayo in wax-ka-beddel iyo kaabid lagu sameeyo Xeer Lr. 20/2002, qodobka 11aad faqradihiisa 1 (a) iyo 2 (b) uu hore goluhu uga dooday isla kalfadhigan 40aad oo aan isla kalfadhigan mar kale la soo celin karin sidaana aanu ku waafaq sanayan qodobka 43 aad faqradiisa 2aad ee xeer-hoosadka golaha wakiilada.
Sidoo kale, la-taliyuhu isla qoraalkiisa waxa uu ku sheegay in wax-ka-beddelka xeerka Lr. 20/2002 iyo dooddiisuba uu kalfadhigan 40aad ajandihiisa kaga jiro kaalinta 7aad (toddobaad), sidaas darteedna lala sugo wakhtigiisa.
Haddaba, su’aasha isweyddiinta lihi waxa weeye, la-taliyuhu haddii uu aqoonsan yahay sida uu qoraalkiisa ku sheegay in doodda wax-ka-beddelka Xeer Lr. 20/2002 aan weli la gaadhin ee lala sugo xilligeeda, muxuu sharciga sifaha qaldan ugu turjumayaa ee uu u leeyahay horaa ayaa looga dooday isla kalfadhigan, haddii laga dooday, loona codeeyay wax-ka-beddelka xeerkan lagu samaynayo oo uu dhammaaday lana soo dhaafay halkii uu ajandaha kal fadhiga kaga jiray , maxaa lala sugayaa ee ajandaha nabarka 7aad kaga jira?
Qoraalkan la-taliyaha sharciga ee golaha Wakiillada waxa innagaga filan iska hor imaadka hadalqoraalka uu isagu gacantiisa ku qoray iyo isburinta nuxurka uu sheegayo iyo nuxurka qodobbada uu cuskanayaa ay sidaan iyo sida ay u kala duwan yihiin, isuna khilaafsan yihiin.
Wax aan leeyahay: Sheekhow, Alif wax buu leeyahay iyo wax ma laha, labadaba adiga ayaa lagaa hayaa!
(Waa la soo dhaafay iyo hadana lama gaadhine wakhtigeeda hala sugo)
Milicsi Sharci:
Dastuurka JSL, Qodobka 53aad, faqraddiisa 3aad, ayaa awood u siinaya golaha Wakiilladu in ay ansixinayaan heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale, nabadgalyo ama keenaya culays dhaqaale oo cusub ee aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-ka-beddel qaanuun, qodobkan dastuuriga ah oo u dhigan sidan:
Golaha Wakiilladu waxa uu ansixiyaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-kabeddelid qaanuun.
Sidaas darteed, waxa kuu cad in ansixinta iyo ka doodidda heshiisyada siyaasadeed yihiin doorkii golaha Wakiillada ee aanay la-taliye sharci iyo cid kale toona door ku lahayn.
Xeer-hoosaadka golaha Wakiilada:
Qodobka 42aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiillada oo sheegaya nidaamka iyo habka mooshinnada loogu soo gudbiyo golaha Wakiillada, in mooshinkani soo maray oo uu shuruudihii uu dhigay oo dhan uu buuxiyay, kana soo gudbay, waxa qoraalkiisa ku caddeeyay kuna qiray la-taliyaha golaha Wakiillada.
Qodobka 43aad, faqraddiisa 3aad ee ka hadlaysa in mooshin hore loogaga dooday isla kalfadhigaas uu goluhu ku jiro aan dib loo soo celin karin, ee la-taliyuhu u cuskaday burinta mooshinka heshiiska saddexda xisbi qaran, waxa innagaga filan in aanu sharciyan waafaqsanayn qoraalkiisan uu ku sheegay burinta isaga ayaaba caddeeyay in aan weli la gaadhin, ee lala sugo wakhtigeeda, maadaama uu kaga jiro ajandaha kalfadhiga 40aad ee goluhu imika ku jiro kaalinta 7aad – wax-ka-beddelka Xeer Lr.20/2002 – Isla markaasna aan weli la gaadhin.
Gebagebo:
Qoraalkan la-taliyaha sharci ee golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay Ref: GW/G/22/90/2019 ee ku taariikhaysan 17/08/2019, nuxurkiisuna yahay burin mooshinka heshiiska saddexda xisbi qaran iyo wax-ka-beddelka Xeer: Lr. 20/2002 waa mid sharciga baalmarsan oo khilaafsan Qodobka 53aad, faqraddiisa 3aad ee Dastuurka JSL iyo Qodobbada 42aad iyo 43aad iyo faqradahoodaba ee Xeer-hoosaadka golaha Wakiillada.
Soo-jeedin:
Maadaama qoraalkan la-taliyaha sharciga ee golaha Wakiilladu yahay mid sharciga khilaafsan oo muran siyaasadeed oo cusub dalka galinaya, kuna celinaya meeshii la soo dhaafay ee lagaga soo gudbay dedaalka iyo juhdiga badan ee la galiyay oo gaadhay ilaa heer beesha caalamku soo dhex gasho murankii komishanka iyo doorashada ee taagnaa oo lagu xalliyay heshiiskan ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran madaxdoodii u sarraysay, waxa aan soo jeedinayaa:
In qoraalkan la-taliyaha sharci ee golaha Wakiillada ee sharciga baalmarsan dhinac la isaga leexiyo oo mooshinkaa xildhibaannadu soo saxeexeen, golahana u soo gudbiyeen 16/08/2019, iyada oo dalka iyo dadkaba loo tudhayo sharcigana la ilaalinayo loo gudbiyo gole weynaha, si looga doodo looguna codeeyo ansixintiisa ama diidistiisa, si go’aan sharciga waafaqsan oo murankaas siyaasigaa soo af-jara uga soo baxo, dalkuna hore ugu socdo una qabsadaan hawlaha ka waaweyn ee u yaalla mucaarid iyo muxaafidba.

Image result for Xuseen Maxamed Cabdilaahi Shabeel
Garyaqaan: Xuseen Shabeel Cabdillaahi.
Hargaysa, Somaliland.
24/08/2019.
Email: lawyershabeel@gmail.com