Ciidamaa Goostay, Afka ka wayn! By Amir Bidde

Waxaynu aragnaa Puntland oo sheegta in ciidamo Somaliland ka tirsani u soo goosteen. Dhinaca kale Somalilandna dhowr jeer oo hore ayay sheegtay in ciidamo Puntland ihi u soo goosteen. Labada dhinacba arrinta aad bay u buunbuuniyaan. Waxa wanaagsan in arrintan xaqiiqda laga sheego. Suaashu waa: Maxay yihiin ciidamada goosanayaa oo nin sarkaal ihi kaxaysanayaa oo marba dhinac u galayaa?
Xuduudda bari ee Somaliland waxa dega ama ugu badan dadka halkaa dega laba jilib oo Harti ah. Oo dega gobolka Sool bari iyo Sanaag bari. Puntland waxay ku sheegataa labadan lafood meesha ay degaan qabiil ahaan (yacnii isku Harti baan nahay). Hadda ogow ma sheegtaan dhulka ay degaan Harti ee ka talowsan xuduudda Itoobiya, xataa Majeerteenka ka tallowsan xuduuda Itoobiya. Waxay Puntland 100% aqoonsan tahay xuduudda Itoobiya iyagoon isir iyo qabiil u eegayn. Laakiin xuduudda Somaliland waa xasad iyo ku xumee Somaliland, u sheegataa dhulkaa Hartigu dego.
Haddaba si ay ujeeddadaa u gaadho, waxay Puntland dadaal badan iyo lacag badan ku bixisaa sidii ay reerahaa xuduudda u soo jiidan lahayd. Waxay samaysaa maleeshooyin dadkaa ka soo jeeda, wayna hubaysaa.
1990’s aakhirkiisii ilaa waqtigii Riyaale, Puntland iyadaa weerarro milateri soo qaadi jirtay hase yeeshee markay marwalba ku guul darraysatay, khasaaro badanna ka soo gaadhay, dhulkii hore u haysatayna laga qabsaday way joojisay weereradaa tooska ahaa. Marka dhinacan kale ee malleeshiyo beeleedka ayay Puntland u jeesatay. Dhinaca Sool arrintani way ka socon wayday, laakiin xagga Sanaag ayay Puntland weli faro gelin-beeleed ku haysaa.
Waxa dhacda in mararka qaarkood ay Somaliland adeegsato oday dhaqameedyo iyo siiyaasiin oo loo diro maleeshiyo beeleedkaa. Ayna ku guulaystaan inay soo xereeyaan iyagoo hubkooda wata (Somaliland waxay markaa tidhaa  waa ciidamo ka soo goostay Puntland).
 Maleeshiyo beeleedkaa soo xerooday waxay Somaliland tidhaa waa la qarameeyey, oo waxa loo xidhaa dirayska ciidanka qaranka. Iyagoo sidoodii ah oon dhaqan celin loo samayn, oon la tababrin. Oo wax waddinyad la yidhaa laga dhaadhicin. Ayaa la dejiyaa halkay joogeen awalba ee xuduudda ahayd oo la yidhaa xuduudda ka difaaca Puntland!! Waa iyagoo sidoodii ah oo aan cid kale lagu dhex darin, taliyahoogii kii uun yahay. Taliye malleeshiyo beeleedkii oo haddii la doono loo xidho darajo sare oo uuna qaadi karin, aqoonteedana lahayn oo ah darajooyinka ciidanka Somaliland.
Waad fahmi kartaa sida ciidan ku sheeggaasi daciif u yahay, sida ay u yihiin calooshooda u shaqaystayaal. Wiilal yaryar oo reer baadiye ah iyo kuwo qaadcunayaal ah oon weligood jiiddaa reerka soo dhaafin, oo Burco u tahay Addis-Abeba, Somalilandna waxba ka aqoon.
Taliyayaashooda hadday Puntland ugu yaboohdo mushahar ka badan ka Somaliland, waxay si dhib yar u aqbalayaan yaboohda Puntland. Iyagoo halkoodii iska jooga uun bay odhanayaan Puntland baan ku biirray. Puntland iyo saxaafadda Somaliland qaarkood oo ceebaynta Somaliland ugu baxdo, waxay markaa odhanayaan: Ciidamo Somaliland baa u goostay Puntland iyadoo xoog loo buunbuuninayo. Arrintaa ayaa markaa wax wayn iyo ciidamo qaran laga dhigayaa. Puntland siyaasad ahaan bay uga dan leedahay. Waxaase la yaab leh kuwa Somaliland (mucaaridka) ee arrintan qaadaa dhigaya.
Wa Billahi Tawfiiq,
A. Amir Bidde
ayanle_60@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker