Shirkadda Diyaaradaha ee British Airway Oo Ku Dhawaaqday 5 Maalmood Oo Shaqo Joojin Ah.

Shaqaalaha shirkada diyaardaha ee British Airways ayaa shaaciyay in bisha soo socota ay samayn doonaan shaqo joojin 5 maalmood oo xidhiidh ah qaadan doonta.

Duuliyayaasha British Airways ayaa u cayimay 9ka, 10ka iyo 27ka bisha Setember in ay shaqada ka maqnaan doonaan, kadib muran cabashooyin dhinaca mushaharka ah oo aan wali la xalin uu.

In kasta oo shaqo-joojintu ay ku astaysan tahay 9-ka iyo 10-ka Sebtembar, ayaa hadan waxa la baajiyay duuliaadadii rakaabka qaadi lahaa 8da iyo 12ka bishaas, taasina waxa ay ka dhigaysaa maalmaha ay shaqo joojintu socoto 5 maalmood.

Iyada oo xiisadaas taagan tahay ayaa qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee raaci lahaa BA waxa ay sheegeen in ay heleen Emailo khaldan oo ka baajinaya safarkooda.

Shirkada British Airways ayaan wali ka jawaabin waxa ay emailadaas ahaayeen iyo cida u dirtay macaamiisha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker