Maqaal kowaad:Codsiyo ka yimid qalbi idin jecel kuna socda madaxwaynayaasha siciid abdilahi dani iyo muuse biixi cabdi (Qore:mohamed basher hassan ayman)

Aslamuailkum warahmatullah wabarakatuh
Salaam kadib maqaalkani Wuxuu hibo fur uyahay maqaalo badan maqalkan ku socda labada madaxwayne ee sharafta badan madaxwayne siciid abdilaahi dani iyo madaxwayne muuse biixi cabdi Waxaan ku daah furidoonaa maqaalkan maqaalo badan oo xambaarsan murtida iyo wax isu sheeg maqaaladaydu waxay u badnaan doonaan codsiyo mug iyo miisaan leh kaas oo aan ku dareensiindoono masuulkasta waaqica dhabta ah ee ummadi isku maamulikarto maskaxdayda iyo maankayga inbadan ayaan ku haminaayey inaan mar uun gaarsiiyo codsiyadayda.
Magacaygu waxaa Maxamed bashiir xasan (ayman) Waxaan ahay arday reer burco (Togdheer) ah dhigtana heerka kowaad ee jaamacada burco qaybta horumarinta bulshada (community development)
Intaa kadib Waxaan halkan barasho iyo codsi uga dirayaa madaxwaynaha putland mudane SICIID ABDLILAAHI DANI
Barasho Taariikh nololeedka MD Saciid Abdilahi Deni Madaxweynaha puntland
Madaxweynaha puntland wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Magaalada Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsame- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management)
.MD . Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.
Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.
Sannadkii 2005 Madaxweyne Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii canshuuraha Puntland.
ugu dambayntiina 8-01-2019 wuxuu ku guulaystay madaxweynaha puntland
barasho kadib Waxaan codsigayga u dirayaa madaxwaynaha puntland siciid abdilahi deni mudane madaxwayne sidaan ogsoonahay Waxaan nahay ummad islaam ah ilaahay waxa uu inugu waa jibiyey amarka allah iyo axkaamtiisa taas oo ay tahay intii aynu kari karno inaan ku dhaqano iskuna xukunno.
Masuuliyada ugu wayne ee qof qabtaa waa madaxwayne taasina waxaa looga baahanyahay inuu kasoo baxo dhammaan arinkasta oo ku waajib ah waxan jeclaystay inaan hawada kuu soo mari codsigaygan kaas oo kusalaysan ahdaaf iyo nidaam.
madaxwayne Waxaan kugu boorinayaa inaad maamulkaaga kaqayb galiso dhalinta oo ay kasoo dhexmuuqdaan talada dalka si ay ugu noqoto dhiirigalin fiican, madaxwayne waad ogsoontahay inay yihiin dhalintu labeenta dowladnimo ku buuxsanto kuna dhisanto.
Codsigayga labaad ee aan ka codsanaayo madaxwayne siciid abdlilaahi deni waa inaad ku dedaashaa horumarinta nabadda.
Nabaddu waa howga horumarka ummadeenu hakala fogaate way hurimaraysaa hadii nabada lagawada shaqeeyo madaxwayne Waxaan nahay jiil soo koraayo mustaqbal raadinaaya idinkaa hogaanka hadda noohaya markaa waxaad noo sii gogol xaadhaan hogaan fiican iyo mustaqbal wacan, maskax ka fayow faquuq iyo kala sarayn si ay dhalinteena uga dhex dhalato horumar,jacayl,wax wada qabsi,iwm Waxaan nahay madaxwayne hogaamiyayaasha baritoole Waxaan diyaar unahay inaan sida ugu wanaagsan u hogaamino dalkeena iyo dadkeena madaxwayne hadii uu codsigaygani ku soo gaadho jawaabteeda insha allah waan kaa sugi doonaa mahadsanidiin.
Barasho Taariikh nololeedka MD Muuse biixi cabdi Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dhashay Miyiga Magaalada Hargeysa Sannadkii 1948-kii,.
Biixi ayaa Waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba ku qaatay magaalada Hargeysa. Halka dugsigiiii sare uu ku qaatay Cammuud oo ku yaalla Magaalada Boorama oo uu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii, kaddibna wuxuu ku biiray Ciidamada Cirka ee Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa bishii May ee Sannadkii 1985-kii ku biiray Jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay Dawladdii Dhexe ee uu Hoggaaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii Dhexe ayna ku dhawaaqday Somaliland goonni-isu-taaggeeda waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan.
Sannadkii 1993-kii ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, Waxaana Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii, kaddib shir-weynihii xisbiga, Waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga.
Inaa kadibna waxaa loo doortay madaxwaynaha Somaliland mudane muuse biixi cabdi
Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii.
barasho kadib Waxaan codsigayga udirayaa madaxwaynaha somalilnad muuse biixi cabdi mudane madaxwayne sidaan ogsoonahay Waxaan nahay ummad islaam ah ilaahay waxa uu inugu waa jibiyey amarka allah iyo axkaamtiisa taas oo ay tahay intii aynu kari karno inaan ku dhaqano iskuna xukumo.
Masuuliyada ugu wayne ee qof qabtaa waa madaxwayne taasina waxaa looga baahanyahay inuu kasoo baxo dhammaan arinkasta oo ku waajib ah waxan jeclaystay inaan hawada kuu soo mari codsigaygan kaas oo kusalaysan ahdaaf iyo nidaam madaxwayne Waxaan kugu boorinayaa inaad maamulkaaga kaqayb galiso dhalinta oo ay kasoo dhexmuuqdaan talada dalka si ay ugu noqoto isku dayasho wacan madaxwayne waad ogsoontahay inay yihiin dhalintu labeenta dowladnimo ku buuxsanto kuna dhisanto.
Codsigayga labaad ee aan ka codsanaayo madaxwayne muuse bixi cabdi waa inuu ku dedaal horumarinta nabadda, nabaddu waa howga horumarka ummadeenu hakala fogaate way hurimaraysaa hadii nabada lagawada shaqeeyo madaxwayne Waxaan nahay jiil soo koraayo mustaqbal raadinaaya idinkaa hogaanka hadana noohaya markaa waxaad noo sii gogol xaadhaan hogaan fiican iyo mustaqbal wacan, maskax ka fayow faquuq iyo kala sarayn si ay dhalinteena uga dhex dhalo horumar,jacayl,wax wada qabsi,Waxaan nahay madaxwayne hogaamiyayaasha baritoole Waxaan diyaar unahay inaan sida ugu wanaagsan u hogaamino dalkeena iyo dadkeena madaxwayne hadii uu codsigaygani ku soo gaadho jawaabteeda insha allah waan kaa sugi doonaa mahadsanidiin

Halhaystaydu waa:
Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad
QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN)
Tell: 063-6483645/065-9345261
Email:mobashiir23@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker