3 Agaasime oo Leexsaday Fursad Waxbarasho!

Haay’adda GIZ oo dawladda Jarmal (Germany) kala shaqaysa arrimaha mucaawinooyinka, iskaashiga iyo horumarinta ayaa Somaliland ka fulisa mashaariic tiro badan. Mashruuca aadka loo sugayey ee kobcinta Waxbarashada Xirfadaha Gacanta (TVET) ayaa ugu dambeeyay mashaariicda ay haay’adda GIZ ka fulinayso Somaliland. Dhowaan ayay ahayd markii lagu eedeeyay Agaasimayaasha Guud ee Wabxrashada (Axmed Abokor), Qorshaynta – haddana ah AG ee Arrimaha Bulshada – (Cabdirashiid Cabdiraxmaan) iyo Agaasimihii hore ee Arrimaha Bulshada iyo Shaqada (Maxamed Ilkacase) inay lacago loogu talo galay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco u wareejiyeen Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa. Arrintaas oo ay beeniyeen Agaasimeyaashu, xaqiiqdeedu weli shacabka uma cadda. Se, wax kale ayaa ka dambeeyay oo isla Agaasimeyaashii iyo Mashruucii la xidhiidha!

Mashruucan lagu tayaynayo Waxbarashada Xirfadaha Gacanta (TVET) waxa qayb ka ah kor u qaadista khibradda iyo aqoonta khubarada Wasaaradda Waxbarashada ee ka tirsanta waaxda Farsamada Gacanta. Khubaradan ayaa loo qaadi lahaa wadanka Germany oo aad ugu horumary xagga Xirfadaha Gacanta. Tababaro gaagaaban iyo booqashooyin shaqo ayaa loo diyaariyey saraakiisha ay khusayso hawshani. Ujeeddada looga gol-leeyay barnaamijkan ayaa ah in dalka loo reebo dhaxal aqooneed oo la jaanqaadi kara baahiyaha xirfadeed ee ka jira Somaliland iyo in tignoolajiyadda casriga ah lagu dabaqo barashada xirfadaha.

Nasiib darro, isla Agaasimeyaashii hore loo eedeeyay, waa Axmed Abokor iyo Cabdirashiid Cabdiraxmaane, ayaa markanna fursaddan dalka ka khasaariyey. Labada Agaasime Guud oo uu wehelinayo Agaasimah cusub ee Qorshayntu (maadaama uu si u bedelay Agaasimihii hore ee Ilkacase) ayaa iyagu isku qoray fursadaas waxbarasho. Waxa ay go’aamiyeen inay saddexdoodu tagaan tababarka iyo booqashada shaqo ee lagusoo minguurinayo xirfadaha iyo aqoonta farsamo-gacmeed ee taalla wadanka guunka ah ee Germany. Culays xoogan oo hanjabaado ku jiraan ayay haayadda GIZ ku saareen in fursaddan iyagu ku tagaan. Waa caado aan ugub ahayn in xubnaha dowladda Somaliland ay cagajugleyn iyo sharci darro ku maamulaan haayadaha iyo isxilqaamayaasha caawiya dadka reer Somaliland.

Halkay hadda wax marayaan? Saddexda Agaasime waxa ay hadda joogaan magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka xaraysteen visa-ha Germany. Waxa la filayaa inay dhowaan helaan dal-ku-galka Germany, sidaasna ay ku tagaan Germany. Lafjab iyo niyad xumi weyn bay ku tahay qaranka in masuuliyiintii loo xilsaaray horumarinta dalkani ay cagaha hayaan. Agaasimeyaashani waxay ceeb ku yihiin xukuumadda madaxweyne Biixi, waxay magac-xumo joogto ah usoo jiidaan dhalinyarta ay magacooda ku fadhiyaan kuraasta, waxayna liddi ku yihiin Qorsheyaasha Horumarineed ee Somaliland.

Horumarinta Xirfada iyo Farsamada Gacantu waa tiir weyn oo Somaliland iyo Adduunkuba u asteeyeen inay hormuud ka yihiin ka midho dhalinta Hiigsiyada Horumarineed. Dowlado iyo dadyow shisheeye ayaa inaga saacidaya si aynu u heli lahayn Waxbarasho Farsamo Gacmeed oo tayo leh si ay dhalinyarteenu shaqo la’aanta iyo tahriibta uga baaqsadaan. Nasiib darro, masuuliyiintii ayaa taa cakiskeeda ku shaqaynaya oo dantooda shaqsiga ah, iyo lacagaha habeen dhaxa ah ee Germany iyo Nairobi kasoo gelaya uun ka fikiraya. Khubarada sida mutadawacnimada ah ugu shaqaysa wadanka eek a tirsan Waaxda Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo waaxaha kale Wasaaradaha kale, niyad jab bay ku tahay.

Isweydiimo dhawr ah baa ka dhalanaya arrintan foosha xun ee ay sameeyeen saddexda Agaasime.  Saddex Agaasime oo aan midna Xirfadaha Farsamada Gacanta shaqo ku lahayni maxay fursad noocan ah isugu qorayaan? Maxay kasoo faaidayaan? Muddada ay xilka hayaanba way koobantaye, may u dhaafaan shaqaalaha joogtada ah ee ay shaqadooduba tahay kobcinta xirfadaha gacantu? Yay kala tashadeen markii ay qalinkooda ku saxeexanayeen in ay iyagu Germany tagaan?

Waa dal u afduuban masuul dhuuni raac ah oo masiirka umaddiisa ka ganacsanaya. Hadda oo ay Nairobi muddo usbuuc ah joogaan saddexda Agaasime, habeen dhax ayaa u socda ay bixinayso haayada GIZ. Hankoodu ma dhaafsiisna lacag kooban oo ay kasbadaan iyo sawiro ay kusoo galaan Nairobi iyo Germany. Ta ugusii ayaanka daranina waxay tahay, cid la xisaabtanta oo ay wax iskaga tirinayaan ma jirto! Reer ba’ow yaa ku leh?

 

 

Mustafe Yusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker