Hargeysa: Fadeexado ka soo baxay Ogolaanshiyaha Xafiisyo Bixiya Baasaboorka Soomaaliya, Magaca Shirkad Qiratay inay Qandaraas ku soo qaadatay iyo Booqashadii Suxufiyiinta

Baadhis Daaha ka qaadday Goobaha ay ku yaallaan Xafiisyada laga bixiyo, Shirkadda hawshan qaabilsan oo Qiratay inay Qandaraas ku soo qaadatay bixinta baasaaboorka

 

“Ma imika ayaad ogaateen, waligayo waanu bixinaynay baasaaboorka, walibana waanu sii wadaynaa…” Shirkadda Skyway Travel Agency

 

Hargeysa (OWN)- Magaalada Hargeysa, waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka furnaa xafiis si joogto ah u bixiya baasaboorka Soomaaliya oo ay hawsha bixintiisa wakiil ka tahay isla markaana ay ku kaliyeysatay mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqeeya adeegyada Socdaalka iyo Safarka duullimaadka diyaaradaha.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u madnuucday in dalka gudihiisa lagu bixiyo ama laga qaato baasaboorka Soomaaliya, iyadoo amar ka soo baxay hay’adaha Ammaanka iyo Socdaalku horaantii sannadkii 2017 lagu mamnuucay ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ay ku qorantahay inuu ka soo baxay magaalo ka mid ah Somaliland.

 

 

Baadhitaan ay sameeyeen suxufiyiin ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa lagu ogaaday inay jiraan xafiisyo ka furan gudaha magaalada Hargeysa oo lagu bixiyo baasaaboorka Soomaaliya, taas oo ay qandaraaska bixintiisa soo qaadatay shirkad lagu magacaabo Skyway Travel, Tourism and Cargo oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada socdaalka iyo Tigidhada diyaaradaha.

 

WARBIXINTAN OO DHAMMEYSTIRAN GUJI HALKAN ama Sawirka

 

 

Oodweynenews.com

Hargeysa Office

webmaster@oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker