Dhegayso: Musharaxiinta Jubaland oo Maanta Jeediyay Khudbadahoodii Doorashada Madaxwayne-nimo

Afar musharax oo ka mid ah kuwa u taagan xilka madaxweynaha Jubaland ayaa maanta jeediyey khudbadahooda ay kusoo bandhigayaan qorshahooda siyaasadeed.

Afartan musharax ayaa waxaa ku jirta haweenay la yidhaahdo Canab Maxamed Daahir, waxaana ay sheegtay inay ahmiyad siin doonto amniga.

Sidoo kale, musharaxiinta khudbadaha jeediyey waxa ka mid ah madaxweynaha xilku ka dhammaadey ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa ku dheeraadey inay jiraan waxyaabo badan, oo uu maamujlkiisa soo qabtey iyo kuwa wali u harsan, oo ay ka mid tahay kala wareegida Al-Shabaab ee deegaanada Jubbaland ee ay weli gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, laba ka mid ah musharaxiinta ayaa sheegay inay ka tanaasuleen musharaxnimadooda, waxaana Isuzu soo Hadhay afar musharax.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa dhaceysa 22-ka August oo ku beegan maalinta khamiista.

Dhinaca kale, baarlamanka ay dhiseen musharaxiinta mucaaradka ayaa maanta doortay guddiga doorashada Jubaland oo ka kooban 13 xubnood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker