Maxaa Loo Shaacin Waayey Liiska Ardayda Ugu Saraysay ….. …. See Arrini Tahay ?!

Heegada Hargeysa ka arrimisa Jahliga iyo qabyaalada u saxiibka ah lagu ogayn mid Dugsigiisa boqolka ugu horeeya ka galay Abid haba joogto  tobanka dalka ugu sareeya ee  waxay garteen dhaqan soo jireen ah oo la isticmaalayey ilaa iyo  waqtigii Ingriisku dhulka haystay inay joojiyaan dhaqankaa so jireenka ah oo ahaa in la iclaamiyo ardayda dugsiga sare iyo dhexe ugu saraysa oo kuwa dugsiga sare ugu sareeya iyagu ugu hor mudan yihiin wixii waxabarasho dibadeed dalka la siiyo kuwa dusiga dhexe ugu sareyaana waxbarashadooda dugsiga sare ayaa  bilaash noqoneysa ……

Iyadoo Heego ka  gaashamaneysa waji gabixii ka raacay shaqo qaran oo iyadoo ardaydii xaqa lahayd ku jirto imtixaankii Jamaacada Hargeysa  isla waqtigaa boqol kale oo laga soo jiiday Xarshin oon wax shaqo qaran ah soo marin lagu xareeyey Hotel  Hargeysa ku yaal  Markii dhalinyaradii tidhi waar see wax yihiin, dhacday in la eryey ardaydii xaq u dirir ka ahayd ………………  Waxaanu cod dheer ku faraynaa Ra’aysal Wasaare Ku xigeen  Dawlada Federaalka  Jaalle Mahdiga Soomaliya inuu deeqaha waxabarasho ee Turkiga uu ku daro cadaalada u hiiliyo  xaqa barbaristaago oo isagu soo raadiyo sedexdaa arday  Inantaa reer Burco  iyo labadaa wiil ee Masalaha ee ay JigJiga Yar dulmiday……………..Yeelkeede.

Markaa Liiska in la shaaciyo waxa loo diidan yahay waxa la doonayaa in tolka damiinka ah laga fuur yeelo deeqaha waxbarashada  oon aanay meelaha kasoo muuqan wiil iyo gabadh yar oo leh anakaa ugu saraynoo waa nalaga tagay sidii dhacday sanadihii 2018/2017  iyo inaan la ogaan tayo xumida iskuulada dawlada  tasoo dadka tuseysa inay Somaliland dabaqado tahay kala tagay .

Jaalle Muuse Biixi Cabdi Weligii Masuuliyad Muu Qaadin Hadii Laga Tagi Waayo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ( AHUN) Ayaa Labo Bilood Wasiir Daakhili Ka Dhigay Waligii Mucaaridka Nooca Ugu Xun Ee Budhmaalka La Yidhaah Ayuu Ahaa Ee Ku Adima Khaldaadka Dawlada Weligiina Aan Ku Fakirin Xal Keen Iminkana Diyaar Uma Aha Duqu Sida Khudbadihiisa Ka Muuqatay Inuu Masuuliyad Qaado Halkaa Duqa  AL – Xaaji  Muuse Qaraami  ah ku dhaaf……………..

Iminka halkan ka eeg Deeq waxbarasho oo min 300 arday ahayd ka timi Ethiopia la siiyey Punland iyo Somaliland sida ay u kala qaybiyeen Jaalle Muuse Biixi Cabdi Iyo Jaalle Cadiweli Cali Gaas

Qaybtii  AL – Xaaji Muuse Qaraami  ee 2018 iyo ta 2019 Insha’a  Allah….

                        2018                           2019

Hargeysa      190 Ardey    →         200 Arday

Boorame         40 Ardey    →        30 Arday

Gabiley            37 Ardey    →        54 Arday

Burco               20 Ardey   →        10 Arday

Sanaag             8  Ardey    →       4 Arday

Sool                  5 Ardey    →        2 Arday

Qaybtii Madaxweyne Cabdiweli  Cali Gaas  Ee Geeska Afrika Iyo Shanta Qaradood Looga Sacab Tumay Standing Ovation ………………….. Halkan waxba iska badeli mayaan Madaxweyne Deni waayo sharci baa ka yaal …..

Nugaal                60 Arday

Barri                     60 Arday

Mudug                 60 Arday

Laascaanood     30 Arday

Buuhoodle          10 Arday

Xudun                 10 Arday

Taleex                 10 Arday

Badhan                20 Arday

Dhahar                 20 Arday

Ceerigaabo         20 Arday

Mid Waliba 300 Boqol Buu Qaybiyey Midna Tolkii Buu Ka Fuur Yeelay Midna Umadii Uu Madaxweynaha U Ahaa Dadnimo Waa Loo Dhashaa Iibisi Lagu Waaye …..

Risiqiinni Iyo Kaayagii Waysku Ridateene

Ninkii Rodol Cirkaa Dhigan Lahaa Reedhi Loo Noqoye

Raaxada Hargeysa Iyo Gabiley Ruushan Haw Hadho’e

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker