Walaac soo foodsaaray Burbur Kuyimaadda Waanwaantii Jabhadda Col-Caarre Iyo Xukuumadda iyo Waxyaabaha Kadhalan kara

 

 

Ceerigaabo(OWN) Muddooyinkii ugu danbeeyey waxa jirtey yididdiilo lagu naalloonayey heshiis nabadeed oo kadhex dhasha jabhadda uu hoggaaminayo Col-Caarre oo kusugan buuraleyda woqooyiga Ceerigaabo iyo Xukuumadda Somaliland, halkaasoo labada dhinac uu dhowaan ku dhexmaray dagaal sababay khasaare nafeed iyo mid maal intaba, waxana yididdiiladaasi salka kuhaysey rajo laga qabey wada-hadal ay labadaas dhinac ka dhex wadeen guddi kasoo jeedda beelaha Garxejis (bari iyo galbeed). Guddidaas oo in muddo ahba labada dhinac u kala soconayey (Caarre iyo Xukuumadda). Waxase maalmahan danbe soo ifbaxay inay guddidaasi ku kala aragti duwanaadeen qaabkii loo kaxayn lahaa qodobbo aan si cad loo shaacin balse lasheegay in ay guddidaas iyo Col-Caarre isla gaadheen iyo sidii xukuumadda loogu gudbin lahaa qodobbadaas.

 

Waxa meesha soo galay oo taas marag u noqday guddidaas oo u kala qaybsamay qaarkood oo ayaamihii ciidku soo gekayey u kicitimay dhinaca Hargeysa iyo qaarkood oo weli kusugan gudaha magaalada Ceerigaabo, iyadoo weliba qaybta guddidan ee Ceerigaabo kusugani oo isugu jira xubno guddidii galbeedka ka timid ah iyo xubno reer Ceerigaabo ahi ay dhawr jeer dib ugu laabteen Col-Caarre iyo jabhaddiisa buualeyda kusugan, taasoo bulshada qaarkeed ku abuurtay shaki kusaabsan in uu jiro xidhiidh aan la isla ogayn oo xubnahan iyo meelo qarsoon kadhexeeya oo ay doonayaan sidii ay qorshohoodaas oggolaansho ay ku meel mariyaan uga heli lahaayeen Col-Caarre iyo jabhaddiisa.

 

Guddidan gudaha Ceerigaabo kusii hadhsan xubno kamid ah ayaa iyaguna waxay fagaarayaal ka sheegeen inay si nabadgelyo ah kusoo dhammaadeen wadahadadalladii iyo dhexdhexaadintii ay ka dhex wadeen jabhadda Col-Caarre iyo xukuumadda Somaliland.

“Arrintii dawladda iyo qolada jabhadda meel fiican bay maraysaa waa nabadgely nabadgelyadaasaynu kuseexanaynaa”. “Annagu haddaannu nahay qoladii ergada ee ay wada shaqaynayeen maammulka gobolka iyo ciidammada amnigii xagga inammada jabhadda ah ee kaynta kujirana waannu kasoo sugnay xaggii dawladdana xidhiidh baa noo socda wayna dhammaan lahayde xajkaa innakasoo dhexgalay, imminkana madaxweynihii baynu sugaynaa arrintaasi way dhammaanaysaa, nabadgelyaynu ka haynaa waxaynu doonaynaa in la taageeraa. Sidaa waxa fagaarihii Ciidal-Adxa ee magaalada Ceerigaabo ka yidhi Suldaan C/raxmaan C/laahi Awgood”.

 

Col-Caarre oo u muuqda mid ka biyo diidsan kala qaybsanaanta guddida Garxejis iyo weliba hadallada warbaahinta iyo meelo kaleba ay kayidhaahdeen xubnaha Ceerigaabo kusugani ayaa isaguna si uu shakiga uga saaro kalsoonida jabhadda uu hoggaamiyo iyo taageerayaashiisa wuxu dhowaan ka hadlay warbaahinta isagoo sheegay in guddidii beelaha Garxejis ee ay hore isu arkeen dhexdooda kala qaybsameen, sidaas awgeedna wixii heshiis ay isla qaateen uu xilligan yahay mid jabay. Isagoo sidoo kalena xubnaha guddidaas ka tirsanaa ee weli kusugan magaalada Ceerigaabona qaarkood ku tilmaamay kuwo xukuumadda si gaar ah ugu adeegaya oo aan dhex ahayn.

 

Dhinaca xukuumadda Somaliland ayaa hadalka Col-Caarre ee dhowaan warbaahinta laga arkay wuxu ku abuuray dareen iyo shaki kusaabsan sida waanwaantaasi iyo wada hadalladaasi u noqon karaan kuwo keeni kara wada-hadal iyo hannaan nabadgelyo oo lagusoo afjari karo xiisadda ka dhalatay Jabhadda hubaysan iyo ciidammada isku horfadhiya buuraleyda woqooyiga magaalada Ceerigaabo.

 

Dhinaca bulshada kudhaqan guud ahaan gobolka Sanaag iyo gaar ahaan degaannada laysku horfadhiyo ayaa iyaguna dhinocooda werwer weyn ka qaba wadnahana farta kaga haya shakiga laga muujinayo waanwaanta labadaas dhinac laga dhexwadey iyo weliba colaad hor leh oo ka dhalan karta hadday wadahadalladaasi midho dhal noqon waayaan ama burburaan.

 

Dhinaca kalena waxa xaqiiqadooda gunta ee arrimahan aan soo sheegnay la filayaa in la ogaan karo dhowaan marka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kasoo laabto Xajka.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker