Zaylici: Ma madaxweyne ku-xigeenka Somaliland baa mise waa caaqil reer?

Somaliland waxay jirsatay 28 sano; ilaa iyo haddana ma jiraan nidaam ama hab  keexaya xuduudada  gobolada, degmooyinka iyo magaalooyinka wadanka. Taasna waxay dhalisay gobolada galbeedka inuu  weli Ka jiro  is qab-qabsi iyo foodo baahsan.Foodadaas waxay u suurtogelisay in  madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland, Zaylici, abaabulo  dhulballaadhsi  qabiil ku salaysan  deegaano  ka tirsan gobolada Gabiley-Guban iyo Salal

Maalintii ugu  dambaysay Silaanyo xafiiska madaxtooyada ee xukunka wareejin rabay, 2017, wuxuu Zaylici ka saxeexay in Cali Xaydh oo ka tirsan Gabiley in la raaciyo gobolka Awdal. Cid ka dhiidhiday arrintaasina ma jirin. Waa dhul ballaadhsi habaysan (systematic) oo ay wadaan siyaasiinta fashilmay, aqoonyahan ku sheega gudo iyo dibadba iyo oday dhaqameedka Borama. Dibaddaana laga soo abaabulo.

Awdal waa gobol ku salaysan  kala qaybinta beelaha walaalaha iyo xididka ah  ee reer Somaliland “Balkanization of Somaliland” lagana dhaxlay  faqashtii  Siad Barre/ Dafle/Muse Rabiile. Siad Barre sababtoo wareegto ugu sameeyey , 1987, Awdal waxa inuu isagoo ku xumaynayay beeshii markaa u cadowsanayay.

Waxa la yaab leh sida xariiqa xad goboleedka  beenta loogu sameeyey gobolka Awdal. Iyadoo Guban oo dhan iyo Lug-Haya oo ka tirsanaan jirtay degmada Gabiley la raaciyey Awdal.Doorashadii ugu dambaysay ee xorta  ahayd ee Somalia ka dhacday,1969, waxaa Gabiley-Lughaya “constituency” laga soo doortay Cali Warsame Bookh.

Maalintii  Siyaad Barre xuduud beenaadkaa sameeyey cid reer Gabiley- Guban ah  oo hadli kartay ma jirin. Waxa lagu sameeyey qori caaradii. Waxase la yaab leh in 28ka sano ee xorriyada la haysto aan la arag qof xaqdarradaa ka hadlaya; walaa madax-dhaqameed, walaa siyaasiin, walaa aqoon yahanno.

Wakhtigii wadanka  la xoreeyeyna 1991, siyaasiinta Gabiley-Guban ama Somaliland inay saxaan khaladaadkii Afweyne iska daa yee—-waxay ugu sii dareen  reer Borama, dhul hor leh, kuraas barlamaan oo aysan xaq u lahayn, laaluush, iyo mashraariic, si loogu sasabo inay  mowqifka Somaliland ay racaan.Cigaal, ina Janbeer, Axmed Qootaale,Ismail Faqash,AbeebTima-Cadde, iyo Madxaweyne Biixi, waa kuwii dhulkii Gabiley -Guban siiyey reer Borama si nabad khiyaali ah loo helo ama cododkooda madaxd lagu ama jago wasiir lagu noqdo!!

Waxaa kaloo madaxdii Wasaarada Arrimaha Gudaha ka dhammaan waayeen xuduuda u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeisa, intay soo celin lahaayeen dhulkii faqashtu  xooga ay uga qaaday Gabiley-Guban.

Ila iyo hada wax nabad dhab oo ka jirtaa galbeedka ma jirto.Jirina mayso inta Zaylici  iyo beeshisa ay boobayaan dhulka Gabiley-Guban iyo Salal.

Sidee bay ku dhacady in gobolada Gabiley-Guban iyo Hargeisa oo ay  degan yihiin 1.5 million ay u waayaan marin xeebta Gacanka Cadmeed, oo ay weligood lahaan jireen?

Gobolka Gabiley-Guban noqon maayo oo keliya: Gabiley, Tog-Wajaale, Alleybaday,  Arabsiyo, iyo Agabar.Gobolku waa inuu marin u leeyahay xeebta Gacanka cadmeed,  degmada Lug-Haya waa in laga maamulaa gobolka.

Somaliland waxay leedahay xeeb  gaaraysa 875 km, oo nagu filan, waa haddii wanaag la doonayo. Gobollada badankood  waa iany marin u helaan Gacanka Cadmeed, si ay dadkoodi uga faaidaystaan kheeraadka Bada.Ma dhacayso in koox yar ama beelo yar ay xuurto ku haysataan xeebaha. Waa hanti dadka oo Somaliland oo idl wada leeyihiin.

Laakiin, xeebahaas siiba Lug-Haya  iyo Saylac  waxay noqdeen goobo “contraband” iyo hub laga soo galiyo,  iyo waxyaabo sharci darro ah ay ka  socdaan,lagana dhoofiya xoolaha door galka ee ku socdo gacanka carbeed, ayna ka soo galaan  argagixiso iyo cadawga Somaliland. Maamuladii Riyaale,  Silanyo iyo Biixiba  indhaha ayey Ka qarsadeen  in wax laga qabto foodada ka taagan xeebaha galbeedka Somaliland, si codka reer Boorama loo helo wakhtiga doorashada.

Dhulballadhsiga uu wado Zaylic; Biixi ayaa Ka sheegay shirkii Kulmiye ee Borama. Laakiin, Biixi wuu ku jees jeesay “mock” Yabaal, oo ahaa oday reer Salal oo Ka cabanayey dhulballaadhsiga beelaysan uu maareenayo Zaylici. Yabaal reerkiisa gacan bay siiyeen Somaliland markii wadanka la xoreenayey.

Zaylici  markuu u Boorama uga ololaynayay qabsoomiddii shirka Kulmiye ee Boorama wuxuu sheegay markuu la hadlayay tolkii in heshiiska dhisadda dekedda Berbera ee Imaaraadka ay ka mid tahay dekedda Lughaya, aan idiin ballan qaadayo inay 10 sano gudahood noqoto deked caalamiya oo Awdal iyo Itoobiya u adeegta. Qorshahan reeraysan ee Awdal lagu wado inay noqoto dawlad-goboleed ka maaranta dhaqaale ahaan Somaliland waxa ka mid ah waddada la bilaabay ee Boorama iyo Djibouti.

Maalin dhawaydna wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Sacad Zaajin  mar uu la hadlayey Borama  beeshiisa, ayaa sheegay in Zaylici iyo isaga ay wadaan barnaamij horumarinta reer Borama.Zaajin waxa uu Yidhi,  marka ay dhamaato  wadada isku xidha Djibouti-Borama, in “Borama noqon doonto xarun ay ku kulmi doonaan dadka Djibouti, Xamar, iyo Hargeisa.” Zaajin  intuu uu hadlayey marnaba afkiisa ka maysan soo bixin Somaliland.

Laakiin waxaan kaloo  aan  leeyahy Zaylici iyo Zaajin , Borama marka hore waa inay noqotaa goob  kulmisa dadka walaalaha, xididka,  ee jaarka ah — ee ku nool: Gabiley-Guban, Salal iyo Awdal.  Dadkaas oo ay isku direen kala dileen  siyaasiin fashilmay, aqoonyahano ku sheeg, iyo odayaal uu hoogaaminayo Zaylici. Wanaaga iyo kal gacaylka aad u hasyo Xamar iyo Djibouti u hay deriskaaga—dadka Gabiley-Guban iyo Salel. Nabad  waarto iyo horumar dhab sidaas baa lagu gaaraaa.

Aniga Lug-haya waxa ku aasan awowgay— dhulkana wareegto uu saxiixay Gen. Dafle ama codka reer Borama ku noqon mayso gobolka Awdal. Beenta uu wado Zaylici socon mayso.

Ilaa iyo haddana ma jirto baarlamaan ama maxkamad dastuuri oo  ansixiyey xuduudadan laysku haysto.

Iskala qob-qob dooni mayno, dhuka Somaliland oo idil  baa wada leh. Si Somaliland hore ugu socoto, waa in dib loogi noqdaa goboladan sida sharci darada lagu sameeyey  oo dadka walaalaha iska hor keenaya.Waa inaan dhulballaadhsiga  Zaylici uu wado la xakameeyo; intaysan dadweynaha Gabiley-Guban  ay  xuduudada beenta ah ay gacmahaooda ku sixin.

Ali-Guban Mohamed
Editor,Gubanmedia.com,

Covering The Horn of Africa Region

aliadm18@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker