Xukuumada Somaliland oo markii u horeysay ka hadashay kulan uu Madaxweyne Muuse Biixi dalka Sacuudiga uu kula yeeshay wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hargeysa (OWN) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay kulan uu Madaxweyne Muuse Biixi dalka Sacuudiga uu kula yeeshay wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada ayaa sheegay in kulankaasi uusan aheyn mid qorsheysnaa, isla markaana ku dhacay si kedis ah.

Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale waxa uu kulankaasi ku sifeeyay mid ka dhacay goob cibaado oo aanay ku ladhneyn arrimo siyaasadeed.

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Meesha Sawirka maanta la wareejinaya uu ka soo baxay waa wadanka Sacuudiga, waa acmaal xajka ah ayaa la iskugu tagay, umaddo badan oo Muslimiina tagay waana meel Muslimiintu ay siman-yihiin oo aan kala laheyn dhinac ay tahayba”.

 

“Dad cibaado u tagay haddii ay isa salaaman ama is bariidiyan anuu wax dhibaato ah uma arko, markaa dadka cibaadada wax ka raadinaya ee siyaasadeynaya uma arko inay wax sax ah tahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii dad meelo kale lagu eedeyn jireyna, Makka ma aheyn cibaadona ma aheyn, laakiin maanta goob cibaado ayey aheyd oo la iskugu tagay, Muslimiin siman baa timid markaa haddii la isa salaamo, madaxweynuhuna sidan ka war hayo dad badan baa salaan ugu tagay”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker