Mashruuc aan Go’ayn!

Waa mashruuc markii hore ku bilawday dulmidiid. Markaas wuu saxsanaa. Waxaanu ka cadhoodhay dulmigii beelaysnaa ee lagu sameeyey Sacad Yoonis, reer tolkii, iyagoo si’ badheedha dagaal loogu soo qaaday oo aanay dawladduna wax garawshiyo ah ka bixin. Waa jabhadda Caare. Laakiin, maalmo kooban kadib waxa Caarre la xidhiidhay xoogag is-diidan oo midina midka kale ka soo horjeedo. Waa xoogag min Hargeisa ilaa Xamar ay silsiladahooda holcayaa daadsanyihiin. Waa xukuumadda Muuse, Saddexda Xisbi Qaran, beelaha dega Ceerigaabo iyo Sool, dawladda Puntland, Ta Farmaajo, siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah oo danayn badani ugu jirto Samaysanka Jabhadda iyo Qurbejoogta oo ugu tun weyn. Intaas aan kor ku soo sheegayba waxay gacan buuxda kula jiraan dagaalka uu wado Mudane Caarre. Saddexda Xisbi Qaran, midkasta waxa uu si’ qarsoodiya xidhiidh u la leeyahay Jabhadda, waxa uu xisbi kastaa danayn badan u hayaa Caarre iyo kooxdiisa, sababtuna waa xisbi kasta waxa uu rabaa in uu hirdankan siyaasadeed gacanku yeesho, waxna laga wayddiiyo xalkeeda marka ugu danbaysa ama ay saa u hilnaanto dushana uu kale socdo inta xalka wax laga wayddinayo. Ceerigaabo iyo Sool, dhammaan dadka deegaankaas degani waxay Jabhadda u taageersanyihiin si’ hoose. Waa marka runta laysu sheegayo. Deegaan kasta waxa uu rabaa saamigii iyo qaybtii uu ku lahaa mashruucyada horumarineed ee aan weli la soo gaadhsiin. Deegaankaasina waa deegaanka ugu ballaaadhan hadana aan la gaadhsiin wax horumarinaya, sababtaas bayna u taageersanyihiin jabhadda Caarre. Ugu yaraan waa in ay ku gorgortamaan in saamigoodii laga gacantogaaleeyey oo dhexda loo galay ay wax uun ka helaan. Siyaasiyiin badan iyo madaxdhaqameed hayb walba leh ayaa iyana gacanta kula jira jabhadda Caarre, iyaga oo laba wejiilayn kula socda dawladda iyo isagaba. Danta ay eeganayaana waa in ay danahooda Muuse Biixi handaraabay ay kula gogortamaan in ay helaan iyaga oo caarre oo dulmidiid ku qoran dabada ku haaya, una sii dhexmaraaya. Siyaasiyiintan iyo madaxdhaqameedkani waa kuwo Muuse ka waayey gacantii hoose ee ay filayeen, in maruun uu jeebka wax u geliyo. Maadaama taasi dhici waydayna waxay dabada soo geliyeen Caarre. Hasayeeshee, waxaa jira Kooxo kale oo nasteex sheeganaya, kuwaas oo iyana Muuse la shaqaysanaya kuna magacaaban Caarre ayaan heshiis ka soo saxeexaynaa. Taasina waa been. Waxayse dhinacooda haystaan tuunbada mashruuca oo way ka caananynayaan. Somalia oo iyana dhinaceeda Mashruuca ku jirta waxay soo hurinaysaa Caarre iyo ragbadan oo dababda ku haaya. Waxay iyana Caarre iyo kooxdiisa ku sasabanayaan in ay dulmiga iyo dayrada dabadheeraatay iska tuuraan. Xaaladda iyo jewigan taaganna ka faa’iidaystaan. Qurbajoogta oo ah dab huriyayaasha koowaad ee dabka baaruuda kuu sii horinayaa waxay wadaan buuqsiyaasadeed oo ay ku fureen dawladdii kornaylada. Waxay faafinayaan ku-tidhi-ku-teen iyo war xaqiiqo ah oo ay ku kicinayaan jabhadda caarre. Ugu danbayn, isna dhinaciisa waxa mashruuca kaga Jira madaxweyne Muuse iyo Maxamed Kaahin. Waa laba askari. waxay ku hammiyayaan in ay Caarre oo hal qofa soo qabtaan dhegtana dhiiga u daraan. Waxay iska indhamarayaan huwanta aan kor ku soo sheegay ee ku gabbanaysa. Waxay iska dhigayaan rag dawlad haysta oo u bababac dhigi kara ama dumin karaba waxan uu Caarre soo dhoobdhoobay. Waxay haystaan kalsoonida ah yaan laydin ka dareemin debec iyo dulqaad tiinuna ha hirgasho oo aakhirka Caarre ha soo galo gacantiina. Hadaba, mashruuca intaas le’eg, waxa dhinac kasta haysta intaas oo bilo. Sidee suuregal u noqonaysaa in si’ fudud loo xalliyo? Ninkastaa ma joojin karaa mashruuca uu gacanta geliyey? Cidi ma ka tanaasuli kartaa oo dadka deegaanka iyo aayaha Somaliland maka nixi doontaa? Dadka deegaanku caqli saliima maku eegi karaan hawshan oo maka tanaasuli doonaan? Dawladdu ma debci doontaa oo jabhadda Caarre mashruuceeda ma dhammayn kartaa?.

Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland
Degmada Maxamed Mooge

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker