Daawo Waraysi Xasaasi ah oo Siyaasi Uur-cadde Kaga Hadlay Nuxurka Kulan Madaxweyne Biixi iyo Wasiirrada Soomaaliya dhex-maray

Cabdillaahi Maxamed Uur-cadde oo ahaa Xoghayihii guud ee hore ee Xisbiga Waddani, wakhtiganna ah siyaasi madax-bannaan, ayaa sheegay in Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ee kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga la socdaa la xidhiidhay raalligelin iyo cafis-weydiisasho ka yimi dhinaca Wasiirrada Soomaaliya, sida uu ku dooday.

 

Waraysi kooban oo xasaasi ah oo uu Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde la yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Baddacas24TV, waxa lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xogta uu ka hayo kulankaas oo hadal-hayntiisa iyo wararkiisu aad ugu badnaayeen Warbaahinta, Baraha Bulshada iyo sidoo kale goobaha kala duwan ee ay Dadweynuhu ku kulmaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker