Maskaxda Bani’ aadamka iyo Siday Uga Falceliso Fahanka. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Hababka tabliiqiyiintu isticmaalaan ayaa ah qaabka ugu habboon ee dadka loo waanin karo, waxna loogu sheegi karo. Tusaale, xilliga salaadaha laga baxo iyo sunnayaasha dabadeed. Badanaa salaadda Duhur, Casar, Maqrib iyo Subax. Waa xilliyada ay ay Tabliiqiyiintu dadka si’ wanaagsan wax ugu sheegaan iyadoo wacdiga looga bilaabayo Tawxiidka, ila jiritaanka Alle, iyo ficilada marag-madoonta ah ee Alle ku leeyahay nolosha aadamaha iyo ma-noolaha ba. Waana hab Tabliiqi kastaa ku tobabaranyahay. Waxa lagaa dhaadhicinayaa nimco aadan markaas dhaadanayn oo u baahan in lagu xasuusiyo–oo naftaada lagu soo jeediyo–shaydaanka lagaaga didiyo ama ugu yaraan niyaddaada lagu kasbado. Waxay ka bilaabaan in Alle wax arzaaqo, wax abuuro, cidduu doono lumiyo, cidduu doonana hadeeyoo,cidduu doono cilmi siiyo, cidduu doonana jaahil ka dhigo.

 Xagga arzaaqadda, markiiba kii hayntiisu yarayd waxa uu gelayaa xusuus dheer oo uu ilaahay si’ toosa u la xidhiidho ama u la faqo, wuxuu si’ waafiya u yaqiinsanaya in baryada Alle u hayso waxa uu doonayo ama la’yahay. Waxa uu arkayaa kadeedka adduunyada in uu ka dhex baxsanyahay oo ilaahay isaga halkaas ugu talo galay. Waxa niyaddiisa ka baxaysa werwerkii ahaa in uu yahay faqiir aan cid haysan oo dadka ugu liita. Kii qaniga ahaana waxa uu gelayaa xusuus dheer, waxa niyaddiisa ku soo dhacaysa boqolaalka lacaga ee uu haysto. Waxa uu dhex jibaaxayaa kumanaan dan’yara oo uu k a hayn roonyahay, waxa maankiisa saldhig uga dhigayaa in uu imtixaan ku jiro halkaasna waxay u noqonaysa cashar uu masaakiinta hoos ugu eego.

 U kaalay kelmadda ah “Ilaahay isagaa waxkasta abuuray”. Niyadda umiyaha masjidka yuurura oodhan waxaa ku sawirmaysa: xayaan afar addin leh, mid xamaaranaya oo noloshiisu kadeed tahay, mid duulaya oo samaawaadka heehaabaya, mid taagdaran oo la firiya qudhaanjada iyo noocyadeed iyo mid ay ugu sarreeyaan geela iyo xayawaanka la sinfiga ahi. Mid halkaas soo fadhiya ayaa is-xasuusanaya in uu laxaad la’yahay, ama xanuun uu haleelay xubnihiisii kale dhantaalay. Isna waxa uu gelayaa xusuus isaga iyo allahiisa isku xidha. Waxa uu markiiba niyadda gashanayaa bal ka waran adigoo intan ka sii liita? Maxaa dhici lahaa? Sidaad u fekeri lahayd? Niyaddaadu maanta say noqon lahayd? Alxamdulilaah.
Mid isna halkaas ka soo jeeda oo dul iyo baar Alle dhammaystiray ayaa isna niyaddiisu si’ toosa Alle ugu xidhmaysaa. Waxa uu xasuusanayaa saaxiibkii oo camoole ah, jaarkiisa oo laangadhe joogo, sii jeedkiisa oo qof kamid ah gaadhi curyaan lagu qaado. Oday duqa oo toban sano dhinacuu u jiifsaday qaab looga duwo aan lahayn. Qof da’aadiisa ah oo marka uu maydhanayo dhawr qof qaadaan una qubeeyaan. Qof kale oo laxaadkiisii waayahay duruufina u raacday. Markaas bay ilmo sida naraasta ka soo boodaysaa labadiisa indhood. Waxa uu xasuusanaya nimcooyinka Alle siiyey ee ka faa’iidaysigeeda aanu weli fahmin.
 Odhahda ah “Ilaahay waa ka cilmiga bixiya”. Weedhaasina waa mid dad badani markay arkaan ay si’ toos ah Allahooda u la xidhiidhaan. Halkaas waxa soo fadhiya miskiin weligii aan dugsi wax lagu barto cagaha dhigin. Nasiibkiisuna aanu u suuro gelin in uu jaahilnimada ka baxo, khayrkiina wax la qaybsado. Halkaas iyana waxa soo fadhiya aqoonyahan qaybta uu cilmiga ka bartay si’ waafiya u fahansan, balse, cabsida Alle iyo waynidiisa xusuustiisu ay ka maqantahay.
 Ugu danbayn, wacdiga iyo waanadu waa mid markasta la heli karo. Laakiin iimaanka iyo u fiirsiga fahanka wacdigu maaha mid markasta maskaxda bani’aadamku u diyaartahay. Taasina waa sababta shaydaanku u jiro, iyadoo masjidka wacdi laga wadana ay dadka qaar uga dareeraan iyagoon wax shaqo ah oo muhiima aan haynin ama masjidka ugu dhexsheekeeyaan. Allaw waa taadee fahanka noo badi. Aamiin Aamiin.

 Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Mohamed mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker