“Erey wayga duco,erey wayga didiif,erey wayga dacwi,ereyna wayga maluug”

Guud ahaan soomaalidu waxay taariikh wanaagsan ku leedahay xallinta khilaafyada lasoo gudboonaada, sida ku cad erey bixinta garta soomalida oo ay ka mid yihiin; Garnaqsi, qadaf, qabno, qoomaal, muduci, mudaacalay, garley, garawsiin, cinbasho, igmad, mudaysi, kiil-qaate, maluug, didiif,feenis,dhaweeye iyo dhammeeye.Waxaanay lahaayeen hannaan loo raaco dacwadaha dhex mara soomalida. Guud ahaan waxyaabaha laysku qaban jiray waxay ahaayeen  saddex nooc oo kala ah ; Qadaf (Gef), qabno (Adduun) iyo qoomaal (Dhiig).

Sidoo kale waxa jiray  noocyo badan oo garta dhaqanka loo qaadi jiray waxaana kamid ahaa; Garta xeer beegti(Gar-xisdi),gar shareeco, gar booli, gar jilleed, gar kala dareeris, gar muslax(Dhexdhexaadis), gar dadban iyo gar cadaawe.Waxaana markhaatiyada gartu ahaayeen noocyo ay kamid yihiin; Markhaati xog-ogaal, markhaati shareeco, markhaati xeer -beegti,markhaati if ma doon, kuwaas oo la cuskan jiray marka garta la qaadayo.

Dhanka kale waxa jiray waxyaabo aad ku garwaayi karto marka la joogo goobaha garta lagu naqayo sida; Afwaa (Hadal garanwaa), Habrasho (Dhiirasho la’aan), cadayn la’aan iyo eexasho       ( Cadaalad darro).

Ugu danbayn waxa jira buugaag laga qoray garta dhaqanka somalida oo uu kamid yahay midka uu qorayC/salaan Max,ed Xirsi(Ina Caaradhuub) oo si wanaagsan u lafa guraya garta dhaqanka iyo xeerarka soomaalida.

W/Q  Yuusuf Muuse C/Laahi( Eng.Amuur)

Xariri1@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker