Wasiir Bayle Oo Si Farshaxanimo Leh Uga Hadlay Kulankii uu Xaramka kula Yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Muuse biixi

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ee la kulmay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in farriinta sawirka ama kulanku xambaarsan yahay tahay midnimo iyo walaalnimo, islamarkaana bulshada Soomaalidu u harraadan tahay nabad waarta iyo dib u heshiisiin rasmi ah.

Boggiisa Twitter-ka ayuu ku qoray qoraal u dhigan “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala hadhin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno.

Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqno ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker